Advertisements

Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo maanta ka qayb galay shir looga hadlayo Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

R. Saacid.jpg9Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta ka qayb galay shir looga hadlayo horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, shirkaan oo noqonaya kii ugu horreeyey oo looga hadlo dhaqan-galinta barnaamijka higsaga cusub, waxaana shirkaasi kasoo qayb-galay wakiillo ka socday Madaxtooyada, Baarlamaanka, wasiirro, xubno ka socda beesha caalamka, bulshada rayidka ah iyo xubno kale oo ka socday gobollada dalka. HOOS KA DAAWO SAWIRO IYO VIDEO

R. Saacid.jpg8

Sidoo kale Shirkaan ayaa ah mid ay dowladda Soomaaliya iyo bulshada caalamku iskula gaareen dhisidda guddi aruuriya xogaha iyo diyaarinta habka hormarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya, taao o fulinteeda loo marayo barnaamijka Higsaga Cusub, iyadoo ahmiyada la siinaya arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo isku xirka mucaawinooyinka la siinayo Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu ku tilmaamay shirkaan inuu leeyahay muhiimad gaar ah taasoo ah xaqiijinta mirihii kasoo baxay shirkii barnaamijka Higsiga Cusub ee 16, Sept,2013 ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Beljamka.

Mudane Saacid ayaa intaas ku daray in shacabka iyo dowladda Somalia ay ku mideysan yihiin dukumentigii (Compact) kasoo baxay shirkii Brussels, lana guda-galayo sidii loo fuin lahaa.

R. Saacid.jpg7

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Shirkii Brussels wuxuu ka turjumayay sidii loo fulin lahaa waxyaalaha ay Soomaaliya mudnaanta siinayso; iyadoo loo marayo hannaanka Higsiga Cusub, waxayna noo leedahay muhiimad gaar ah inaan si dhaqso ah u dhaqaajino fulintiisa. Maantana waxaa bilaabatay tilaabadii ugu horreysay ee loo qaadayay sidii loo hirgalin lahaa Higsiga Cusub”.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Somalia sheegay in siddeed bilood uu jiray shaki weyn oo ku aaddan sidii loo fulin lahaa Higsaiga Cusub (New Deal), balse markii la sameeyay wadatashiyo, doodo iyo shaqo adag maanta waxaan haysannaa dukumenti dhamaystiran oo ay ku jiraan dhammaan baahiyaha kala duwan ee Soomaaliya lagu hormarin karo, waxaan u mahad-celinayaa kuwii u dhabar-adaygay kana miro dhaliyay Higsiga Cusub.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: