Advertisements

Mr. Ban Ki-Moon oo dadaal ugu jira sidii lagu kordhin lahaa ciidamada AMISOM loona dhisi lahaa kuwa Somalia

Ban-ki-moon.Xogyahaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa dadaal xooggan ugu jiray in la kordhiyo ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kaddib markii Al-shabaab ay sheegatay weerarkii bishii hore lagu qaaday suuqa ganacsiga Westgate Mall ee Nairobi, taasoo ay ku dhinteen 67-qof.Mr. Ban Ki-Moon ayaa wuxuu soo jeediyay in ciidamada Midowga Afrika lagu kordhiyo 4,000 oo askari oo cusub, laguna taageero diyaaradaha qummaatiga u kaca ee loo yaqaan helicopters-ka iyo qalabka kale ee ay u baahan yihiin si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Sidoo kale hadalka Ban Ki-Moon ayaa kusoo beegmaya xilli Al-shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Nairobi ee bishii hore, kii Kampala ee 2010 e ay ku dhinteen 76-qof iyo weliba weerarro dhowr ah oo sannadkan ka dhacay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Warar ayaa sheegayaa in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay dhawaan yeelan doonaan shir looga hadlaya kordhinta ciidamada AMISOM iyo weliba sidii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa dib u dhiska ciidamadooda iyo qalabeyntooda.

Dhanka kale Mr. Ban Ki-Moon ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka heli jireen dekedda Kismaayo lacag gaaraysa 25-milyan oo doollar, isagoo sheegay in lagu guuleystay 2012 in laga saaro halkaas, waxaana hadda ku sugan ciidammo ka socda Kenya oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Balse ciidamada Kenya iyo kuwa Raaskambooni ayaa lagu eedeeyaa in ay ka dhoofiyaan dhuxusha dekedda Kismaayo, taasoo Qaramada Midoobay ay horay u mamnuucday.

Si kasta ha ahaatee dhawaan ayay mas’uuliyiinta Kenya sheegeen inaysan ciidamadooda kala bixi doono Soomaaliya, iyagoo ku goodiyay inay kula dagaalami doonaan Al-shabaab gudaha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeysay qorsha lagu kordhinayo ciidamada AMISOM, gacantana looga geysnayo dhismaha ciidamada xoogga dalka, taasoo ay sheegeen madaxdu inay gacan ka geysan doonto sidii looga adkaan lahaa Al-shabaab.

SomaliSwiss       New York

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: