Advertisements

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiradda Arrimaha Dibadda,iyo Horumarka Wadanka Holland.

Somalia % HallandMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiiradda arrimaha dibadda, ganacsiga iyo horumarinta caalamiga ah ee dalka Holland Marwa Lilianne Ploumen oo ay la socdeen shirkado ganacsi oo waaweyn oo raba inay dalka maalgeshi ku sameeyaan. HOOS KA DAAWO VIDEO

Somalia % Halland.jpg1

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey wasiiradda booqashada ay ku timid Soomaaliya oo ah calaamad xoogan oo tuseysa horumarka balaaran ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay.

Madaxweynaha Soomaaliya oo qaabilaadaas ka hadlay wuxuu yiri: “Booqashadaadu waxay ka mid tahay wafdiyo caalami ah oo maalmahan soo booqanyay Soomaaliya; aad iyo aad baan ugu faraxsan-nahay inaan dalka kusoo dhaweynno wasiiradda, taasoo na tuseysa horumarka ammaanka ee ka jira dalka Soomaaliya iyo sida ay beesha caalamku u aqoonsan yihiin Soomaaliya”.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: “Xiriir qoto-dheer baa labadeena dal ka dhaxeeya oo weliba Holland ay deggen yihiin Soomaali badan. Waxaan dowladda Holland uga mahadcelinayaa dadaalkooda iyo is-garab istaaga ay nala garab-joogaan. Qorshaha New Deal-ka loogu magac-daray ayaa noo ah billow fiican oo tusinaysa xiriirka caalamka iyo Somalia”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa intaas ku daray in dukumiintiga Higsiga Cusub ay dadka Soomaaliyeed sameysatay uuna qeexayo baahida dib u dhiska lagu sameynayo dalka saddexda sano ee soo socota. Waxaana ka rajeyneynaa buu yiri in dowladda Holland ay qorshahaas nala garab-istaagto si aan ugu guuleysano in dalkan dib loo dhiso dhammaan hay’adihii dowliga ahna aan dib u dhisanno, isla markaana bulshada Soomaaliyeed la wada-gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayey maalgashiga wuxuu yiri: “Maalgashi caalami ah iyo xiriir caalami ah ayaa Somalia dib ugu soo noqday waana inaan fursadahaas ka faa’iideysanaa oo aan caalamka tusinaa in ay Soomaaliya nabad tahay oo la maalgeshan karo, si dhalinyaradeenna ay u helaan fursado shaqo oo muhiim u ah horumarka dalka”.

Dhanka kale Madaxweynaha oo sii wato hadalkiisa wuxuu yiri: “Dowladda Holland inay shirkadaheedu dalka ay yimaadaan waxay caddeyn u noqonaysaa horumarka ballaaran ee sannadkii lasoo dhaafay laga gaaray dhinacyo badan oo na-tuseysa in caalamku diyaar u yahay inay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya. Dowladdu waxay wadaa shuruucdii maalgashiga oo baarlamaanka horyaalla oo tusaya in ganacsida iyo maalgashiga Soomaaliya ay yihiin kuwa sharciyeysan oo keeni kara in dhaqaalaha dalka uu kordho. “

Sidaas si la mid ah waxaa Kulanka ka hadashay wasiiradda, iyadoo shir jaraa’id  ay si wadajir ah u qabteen iyada iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayay waxay ku sheegtay inay ku faraxsan tahay inay booqasho ku timaaddo Soomaaliya, iyadoo xustay inuu dalkeedu sii wadayo wada-shaqeynta kala dhexeysa dowladda iyo shacabka Soomaailyeed iyo weliba kaalmooyinka ay Soomaaliya siiyaan.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: