Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo shacabka ku booriyay in ay xil iska saaraan bixinta cashuuraha Qaranka.

tarsanGudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir Mudane  Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku boorriyey shacabka ku nool gobalka banaadir  in ay xil gooni ah iska saaraan bixinta cashuuraha si wadanka uu u gaaro horumar dhinacyo badan leh loogana kaaftoomo baryada shisheeye.

Mudane Tarsan ayaa dadweynaha Soomaaliyeed ku dhiiri geliyey iney bixiyaan canshuuraha, si loo helo maaliyaddii wax loogu qaban lahaa ama looga xaqabtiri lahaa baahida bulshada Soomaaliyeed ee dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada IWM wuxuuna intaa ku daray in horumarka Soomaaliya uu ku xiranyahay bixinta canshuuraha loogana kaaftoomi karo baryada shisheeye.

Sidoo kale Mudane Tarsan oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu xusay in wax walboo wanaag iyo horumar ah lagu gaari karo bixinta canshuuraha,  isagoo ka digay laaluushka kuna tilmaamay qaran dumis kuwa bixiya laaluushka.

Dhanka kale Dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu dhisay canshuurta laga qaado muwaadiniinta Soomaaliyeed sidaas darteed loo baahan yahay in si xil-kasnimo loo bixiyo Canshuuraha.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: