Afhayeenka guud ee Ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere ayaa si buuxda u cadeeyay inuusan jirin xiriir kala dhaxeeyo ururkooda Barre Hiraale mar uu ka hadlaayay afhayeenka Barnaamij ka baxa Qolka Somali Islamic Dacwatu Tawxiid Center ee Paltalkga.
Sidoo kale Ururka Xarakada Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya Barre Aadan Shire Barre Hiiraale iyo Al-Shabaab, xilli hogaanka Maamulka Jubba uu Barre Hiiraale ku eedeeyay inuu Shabaab la shaqeeyo.
Afhayeenka Al-Shabaab oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waxaan ku ogeyn Barre Hiiraale isaga oo kamid ah ridada meel uu ku toobad keenay iyo meel Media lagama maqlin anagana masheegin, marka waa la garanayaa inaysan jirin cilaaqaad inaga dhaxeeya waxaana taas u aragnaa inay tahay Borobogaan”.
Ugu danbeyntii Sheekh Cali Dheere wuxuu qeexay in wararka sheegay xiriirka Al-Shabaab iyo Barre inuu yahay mid la faafiyay oo been abuur ah,sidaasi awgeedna uu cadeynayo inaysan jirin wax xiriir ah oo Barre kala dhaxeeya.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.