Dowladda Uganda oo xoojisay Ammaanka Dalkeeda iyo Soomaali fara badan oo loo diiday in ay galaan Magaalada Kampala

kampala.jpg1Dowladda Uganda ayaa  xoojisay Ammaanka Dalkeeda, waxaana lagu soo warramayaa in Soomaali fara badan ay dhowrkii casho ee lasoo dhaafay laga soo celiyay dalka Uganda, kaddib markii ay waayeen cid ay damiinata ayna sheegi waayeen goobta ay rasmi ahaan u socdaan.

Mudane Abuukar Garweyne oo ah Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda, ayaa Idaacadda BBC-da u sheegay in dadkaas oo isugu jiray rag, dumar iyo caruur dib looga celiyay garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala.

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda oo sii hadlayey wuxuu yiri:“Dad badan ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga celiyay garoonka diyaaradaha ee Entebbe, waxaana arrintan kala hadalnay hay’adaha ammaanka Uganda, waayo innagu waxaan sameynay xafiis lagu diiwaangeliyo dadka Soomaaliya ka imaanaya”.

Mudane Abuukar Garweyne ayaa sheegay inaysan ogeyn sababta dadkaas loogu diiday inay dalka Uganda soo galaan, wuxuuna intaas ku daray inay wadaan dadaallo ay arrintaas kaga hortagayaan.

Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray ee uu yiri: “Waxaan sameynay xafiis lagu diiwaangeliyo dadka Soomaalida ah ee dalka Uganda imaanaya, markii qofka laga soo qaado garoonka waxaa la keenaa xafiiska, halkaasoo lagu diiwaan-geliyo, kii waxbarasho u socday, kii arrimo qoxootinimo u socday iyo kii caafimaad u socday intaba”.

Sidoo kale, guddoomiyaha wuxuu sheegay in Dowladda Uganda ay adkeysay ammaanka dalkeeda, kaddib markii ay Al-shabaab ku hanjabtay inay weerarro ka geysanayso dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa bishii hore weerartay rugta ganacsiga Westgate Mall oo ku taalla magaalada Nairobi, taasoo keentay in ammaanka dalalka Burundi iyo Uganda oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya aad loo adkeeyo.

SomaliSwiss     Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: