Advertisements

Wasiirka Arimaha Gudaha Kenya oo shaqada ka fadhiisiyey 15-sarkaal oo ka mid saraakiisha waaxda socdaalka dalka Kenya

Mr. Joseph Ole LenkuMr. Joseph Ole Lenku oo ah Wasiirka Arimaha gudaha Kenya ayaa la sheegay inuu shaqada ka fadhiisiyey 15 sarkaal oo ka tirsan saraakiisha Sarsare ee waaxda socdaalka ee dalka Kenya, kaddib markii lagu eedeeyay in dad ajaanib ah ay si sharci darro ah ku siiyeen warqadaha aqoonsiga iyo baasaboorada dalkaasi.

Waxaa tallaabadan ay ku soo beegmaysaa xilli ay socdaan baaritaanno la xiriira weerarkii bishii hore lagu qaaday suuqa ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi, kaasoo qaatay muddo afar maalmood ah ayna ku dhinteen 67-qof.

Sidoo kale Mr. Ole Lenku ayaa sheegay in saraakiishaas maxkamad la horgeynayo, isagoo dhinaca kale sheegay in saraakiil cusub oo dowladda ka tirsanaa ay ka hawl-geli doonaan waaxda socdaalka si ay u beddelaan saraakiisha la shaqooyinka laga eryay.

Hase yeeshee Wasiirku wuxuu sheegay in Saraakiisha cusub ay hawshooda  noqon doonta dib u habeynta ay ku sameeyaan hawlaha waaxda socdaalka iyo ka hortagga musuqmaasuqii sababay in saraakiishii hore shaqooyinkooda ay ku waayaan.

Dhanka kale Wasiirku wuxuu ku dhawaaqay in dowladdu ay billaabayso baaritaanno iyo dib u eegis lagu sameynayo waraaqaha aqoonsiga iyo baasaboorrada la bixiyay labadii sano ee la soo dhaafay, si loo hubiyo in si sax ah loo bixiyay iyo in kale.

Sida la wada ogsoon yahay Dalka Kenya ayaa waxaa sannadihii la soo dhaafay laga bixinayay sharciyo ay dadku baasaboorrada dalkaas ku dalban karaan, iyadoo la sheegay in dadka qaadanaya ay bixiyaan lacago kumannaan kun oo doollar ah.

Balse lama oga waxa ay tallaabadan ka bedeli doonto bixinta baasaboorrada iyo sharciyada kale ee dalkaas oo lacago fara badan lagu qaato, iyadoo tani ay qayb ka tahay qorshayaal ay ku doonayso Kenya inay ku adkeyso amniga dalkeeda.

SomaliSwiss      Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: