Advertisements

Taliyaha waaxda socdaalka Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in la ogoleyn isitmcaalKa Baasaboorkii Cagaaranaa hore ee Soomaaliga.

GaafowTaliyaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dalka Soomaaliya, Jen C/llaahi Gaafoow Maxamuud oo wariyeyaasha kula hadlayay xarunta waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aanay ogoleyn in baasaboorkii hore ee Soomaaliga la isitmcaalo.

Jen. Gaafoow ayaa sheegay in Dowaldda Federaalka ay ogoshahay keliya in la isticmaalo baasaboorka cusub ee E-Passport-ka ah, ciddii aan wadan ma tegi karo meel ka mid ah Caalamka, balse wuxuu ku hanjabay ciddii lagu helo baasaboorkii hore loo aqoonsanayo inuu la shaqeeyo kooxda Al-shabaab, maxkamadna lala  tiigsan doono.

Taliyuhu wuxuu sheegay in dhawaan ay soo saari doonaan sharciyo cusub oo ay tahay inuu soo maro qofka doonaya inuu baasaboorka Soomaaliga qaato, kuwaasoo uu ku sheegay kuwo lagu xaqiijinayo in qofka doonaya in baasaboorka uu qaato uu yahay Soomaali.

Sidoo kale, taliyaha ayaa beeniyay in dowladda Soomaaliya ay heshiis kula gashay dalalka Yurub iyo Mareykanka inay dib u soo celiyaan qoxootiga Soomaaliyeed ee dalalkooda ku nool.

Jen. Gaafoowoo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Halkan waxaan doonayaa inaan ka caddeeyo in dowaldda Soomaaliya aysan jirin heshiis ay dalalka Yurub iyo Mareykanka ay kula gashay inay dib u soo celiyaan qoxootiga Soomaaliyeed ee dalalkooda ku nool. Balse waxaa jirta in dowladda cadaadis ah in dadka aan sharciyada la siin ee dalalka Yurub iyo Mareykanka ku nool ay la laabato, taasoo wadahadalkeedu uu socdo”.

Si kasta ha ahaatee Taliyuhu, wuxuu ugu dambeyntii Caddeeyey in dalalka Caalamka ay heshiis kula galeen inay aqbalaan baasaboorka cusub ee Soomaaliga, kii horena aan laga aqbalin qofkii sita, taasoo uu ku sheegay inay kaga hortagayaan in sharciga Soomaaliga si khaldan loo adeegsado.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: