Magaalada Zürich ee Wadanka Switzerland oo shalay lagu qabtay Bandhigga Buugaagta Af Soomaaliga.

Bandhig Buugaag.jpg1Waxaa shalay oo Axadda ahayd lagu qabtay Magaalada Zürich ee Wadanka Switzerland Bandhigga Buugaag ku qoran Af Soomaaliga, kuwaas oo ka hadlaya dhaqanka, suugaanta iyo taariikhda Soomaalida.

Bandhig Buugaag.jpg3Bandhig Buugaag.jpg8Kulanka lagu soo bandhigayey buugaagtan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa oo lagu qabto magaaladda Zürich, waxaana lagu soo bandhigay horumarka dhinaca afka Soomaaliga ku tilaabsaday. 

Kulankan oo ay ka hadleen qaar ka mid qorayaashii buugaagtaas iyo marti sharaftii ka soo qayb gashay bandhiggaas waxaa ka mid ahaa Frau Julia Morais, oo ahayd Kantonale Beauftragte für Integrationsfragen iyo Herr Christof Meier, oo ahaa Leiter Integrationsförderung der Stadt Zürich, waxayna ka si kooban uga hadleen waxtarka ay u leeyihiin buugaagta ku qoran af Soomaliga caruurta ku dhalatay dalka Switzerland

Bandhig Buugaag.jpg7Sidoo kale waxaa kulanka Bandhiggaas khudbad ka jeediyey Ergeyga Soomaaliya uga wakiilka ah Xafiiska Qaramada Midoobay ee xarunteeda Geneve ee dalkan Switzerland Mudane Baribari wuxuuna ka codsaday qoreyaashii Soomaalida ee soo bandhigay Buugaagtaas inay kordhiyaan kulamada noocan oo kale, kuna dadaalaan horumarinta qoraalka AfSoomaaliga iyo Suugaanta

Bandhig Buugaag.jpg14Sheikh C/Xakiim sh, Cali Suufi oo isna kulanka lagu soo bandhigayey Buugaagta af Soomaaliga ku qornaa ayaa si xikmadeysan oo ku saleysan Diinta Islaamka uga hadlay guud ahaan Waxtarka Cilmiga.

Bandhig Buugaag.jpg11Waxaa kaloo halkaasi shalay hadallo qiimo badan oo Soomaalinnimo ah ka soo jeedisay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Zürich Marwa Xaawo Nuur Muudey, waxayna sheegtay in loo baahan yahay in Soomaalida ku nool Kanton Zürich ay u midoobaan danahooda la xiriira halka ay ku nool yihiin si loo helo xuquuqda naga maqan, sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Mudane Mustaf Bashiir Gobdon oo sheegay in bandhiggan uu ahaa mid laga faa’ideystay.

Bandhig Buugaag.jpg12Qorayaashii soomaaliyeed ee Bandhigga buugaata waday ee la ahaa Saciid Cali Shire iyo Maxamed Sh. Xassan, waxayna si wanaagsan uga hadleen dadaalkii dheeraa ee loo soo maray qorista buugaagtan iyo dhibaatadii lagala kulmay daabacaadooda.

Ugu danbeyntii qorayaasha waday bandhiggan waxay sheegeen inay muhiim tahay siddii carruuraha soomaaliyeed ee ku dhalatay qurbaha ay u heli lahaayeen fursad ay ku bartaan afkooda hooyo. 

Bandhig Buugaag.jpg15Si kasta ha ahaatee waa markii ugu horreysay ee dalkan Switzerland lagu qabto bandhig Buugaag ku qaran Afka Soomaaliga, waxaana ka faadeystay Soomaalidii ka soo qayb gashay Bandhiggaas.

Buugaagtii halkaas lagu soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ahaa;- buugaagta carruurta, suugaanta, taariikhda, siyaasadda, Ganacsiga, Ciyaaraha, Diinta, Caafimaadka, Qaamuusyada-

Bandhig Buugaag.jpg10Kulanka Bandhig  buugeedkii 1aad ee lagu qabtay magaalada Zürich ee  wadanka Switzerland ayaa waxaa si wada jir ah  u soo diyaariyay Ururka Goosanka afka iyo dhaqanka soomaalida (Gadsom) – Mudane Xaashi Yaasiin iyo Mudane Cabdalla Siciid iyo Scansom Publishers – Sweden.

Bandhig Buugaag.jpg2SomaliSwiss     Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: