Advertisements

Madaxweyne Xasan Sheikh oo maanta Xarunta Madaxtooyada Muqdisho ku qaabilay Xubno ka tirsan Golaha Ammaanka Midowga Afrika.

Golaha Ammaanka MAMadaxweyne Xasan Sheikh ayaa wuxuu maanta xafiiskiisa Xarunta Madaxtooyada magaalada Muqdisho ku qaabilay Xubno ka tirsan Golaha Ammaanka Ururka Midowga Afrika, isla markaana kala hadlay sidii Ciidamada Soomaaliya loogu heli lahaa qalabkii iyo dhaqaalihii ay u baahnaayeen.

Golaha Ammaanka MA.jpg2Sidoo kale Madaxweynuhu waxaa kulanka qaabilaada ku wehliyey wasiirka gaashaandhigga, wasiir ku xigeenka gaashaandhiga, safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya iyo Midowga Afrika iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga Midowga Afrika ayaa waxaa hoggaaminayay safiirka Jabuuti u fadhiya Itoobiya iyo Midowga Afrika oo hadda ah madaxa golaha ammaanka Afrika, sidoo kale waxaa wafdigan la socday ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada AMISOM.

Dhanka kale Wafdigan ka socday golaha ammaanka ee Midowga Afrika ka socday ayaa waxay sheegeen inay u yimaadeen sidii madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba ay u tusi lahaayeen inay garab taagan yihiin, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan sidii Soomaaliya ay u noqon lahayd dal amni ah oo horumar ballaaran ku tallaabsada.

Ugu danbeyntii Madaxweynuhu wuxuu u mahadceliyay wafdigan imaatinkooda Soomaaliya iyo sida ay u daneynayaan in Soomaaliya ay noqoto dal nabad ah oo horumar dhan walba ka sameeya. Madaxeynaha ayaa warbixin kooban siiyay wafdiga isagoo sheegay in Soomaaliya ay horumar dhan walba ah ku tallaabsatay loona baahan yahay in Midowga Afrika iyo caalamkuba ay taageeraan sidii ciidamada Soomaaliya dib loogu dhisi lahaa loona soo afjari lahaa kooxaha Al-Shabaab.

Arbacada soo socoto oo ah bisha Oktoobar 30-keeda ayaa lagu wadaa in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay dhageystaan warbixin ay QM iyo AU ay si wadajir ah qiimeyn ugu soo sameynayaan xaaladda Soomaaliya oo ay sheegeen in ciidamada Soomaaliya ay iyagana u baahan yihiin kaalmada ay dunidu siiyo AMISOM, isla markaana uu golaha ammaanka ee QM uu kasoo saari doonaan qaraar ay ku taageeri doonaan go’aankaas guddiga wadajirka ah hordhigi doonaan golaha.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: