Maamulka G/Banaadir iyo taliska ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka ayaa soo bandhigay Leyrarka kala haga gaadiidka iyo dadweynaha,  kuwaas oo si tijaabo ah loogu xiri doono Waddooyinka Magaalada Muqdisho.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay Nalalka Kala haga gaadiidka ee loo yaqaano Samaafaraha kaasoo ku shaqeeya ileyska cadceeda.
Afhayeenka maamulka G/Banaadir mudane Maxamed Yuusuf oo ka hadlay munaasabadii lagu soo bandhigayay Nalalkaasi ayaa sheegay in nalalkan an loo siinin gargaar ahaan, Â balse uu maamulka gobolku soo iibsaday.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in nalalkan ay ka koobanyihiin Sodon islamarkaana ay saraakiisha ciidamada Taraafikada iyo duqa magaaladu isla qorsheyndoonaan isgoysyada ugu haboon ee sida tijaabadaha loogu sii xirayo nalalkan.
Taliyaha ciidamada Nabadgelyada waddooyinka Gen. Cali Gaab ayaa isaguna soo dhaweeyay nalalkanm  isagoo hoosta ka xariiqay in wax weyn ay ka tari doonaan nidaamka maridda wadooyinka dadka iyo gaadiidka.
Arintan ayaa qeyb ka ah dadaalada lagu soo celinayo bilicda magaalada, Â laguna hormarinayo adeegyada bulshada, waxaana xusid mudan in wadooyinka ugu muhiimsan Muqdisho ay hadda ka socoto howlo dayactir ah.
SomaliSwiss      Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.