Agaasımaha Rugta Ganacsıga Soomaalıyeed oo ka qayb-gelay shırka Ganacsiga Adduunka oo ka socda Dalka Turkiga.

Shirka_Ganacsiga_Adduunka.jpg 1Waxaa Dalka Turkiga ka furmay Shir looga hadlaayo Ganacsiga Dunida oo si aad ah loogu soo dhaweeyay rugta ganacsiga Soomaaliyeed, waxaana shirkaas kasoo qaybgalay xubno ka socda 180 dowladood, shırkado, urarro ıyo labada wasıır ee horuarınta dalalka Turkiga iyo Jarmalka.

Shirka_Ganacsiga_AdduunkaLabada wasiir oo ka hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay ay muhiim u tahay ın qaabka ganacsı ee Soomaalıya looga faa’ııdeeysto qaladaadkıı ay waddamada kale sameeyeen xaga bulshada ıyo deegaanka oo sanadkan shırku ku saabsanaa.

Waddamada halkaas ka hadlay waxaa ka mıd ahaa: Soomaaliya, Jarmalka, Turkıga, Gaana, Hındıya ıyo Meksıko.

Agaasımaha Rugta Ganacsıga Soomaalıyeed, Cabdi Abshir Dhoore oo shırka ka hadlay ayaa sı buuxa u fasıray sıda ay muhıımka u tahay ın Sooomaalıya laga caaawiyo arrimaha ganacsıga, bulshada ıyo deegaanka taasna ay tahay midda sababi karta horumar ay Soomaaliya ku tallaabsato.

Rugta Ganacsıgu waxay guntıga u xıratay ın ganacsıga Soomaalıya uu noqdo mıd aan gancsatada kalıya ka faa’ııdeysan ee bulshada ıyo deegaankaba la dhoowro, ayna tahay xuquuq muhıım ah, waxaa kaloo Rugta Ganacsıga ku dadaalaysaa sıdıı Soomaalıya loo maalgashan lahaa.

Mudane Cabdi Dhoore oo ka hadlayey arrintaas wuxuu yiri: “Waxay rugtu ka dhaadhicinaysaa ganacsatada Soomaaliyeed sidii ay dalka u maal-gashan lahaayeen ka hor intii ay maal-gashi ku sameysan lahaayeen dalal shisheeye,” wuxuuna ugu dambeyn sheegay inay taasi soo muuqan doontaa marka ay bıllowdaan ganacsatada mashaariic cusub oo ay dalka ka hirgeliyaan.

SomaliSwiss     Istanbul

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: