Dhiilo Colaadeed oo ka Taagan Magaalada Taleex, kaddib Markii uu gaaray Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland

Degmada_TaleexWaxaa magaalada Taleex ee gobolka Sool ka taagan dhiilo colaadeed oo u dhexeeya jufooyin ka wada tirsan beesha degta deegaannadaas, kaddib markii uu halka tagay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland, Jan. Cabdisamad Cali Shire iyadoo halkaas maamulka Khaatumo ay sheegeen in shikoodii dhisidda maamulka  KMG ah ka furmay.

Sida la wada ogsoon yahay Beelaha deegaanka degmada Taleex oo colaado dhiig ku daatay oo socday laba sano lasoo afjaray toddobaadyo ka hor ayaa u arka in qaarkood lagu soo duuley oo colaadii hore la hurinayo.

Balse waxaa muuqata gurmad xoog badan oo ka imaanaya deegaano ku dhow-dhow degmadaas oo ay ka mid tahay Carooley, God’aalo iyo qaar kale oo ka tirsan degmadaas.

Maamulka SomaliSwiss oo xiriir la sameeyey  dadka deegaankaas waxay na sheegeen in xiisada Colaadeed ayaa waxay salka ku haya ballan-qaad uu bishii aan soo dhaafnay ku sheegay inaan degmadaas wax shir ah oo maamulka Khaatumo leedahay lagu qaban karin, taas uu mar kale ku celiyay C/samad Cali Shire oo dib uga soo noqday degmada Taleex.

Warku wuxuu intaad uu ku darayaa in Shirka maamulka Khaatumo uu ka furmay, balse aanay meesha joogin wax mas’uuliyiintii maamulkaas ka tirsan, iyadoo arrintaas lagu tilmaamay in khilaafkii ugu ba’naa ee maamulkaas soo dhexgala muddo labada sano ku siman; ha yeeshee waxaa la sheegay in  Mas’uuliyiinta maamulkaas oo qaarkood ku sagan yihiin degmada Teleex.

SomaliSwiss     Teleex

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: