Advertisements

Taliyaha Boliiska Soomaaliya oo Shaaciyey jn Isbedel muuqda Lagu Sameyn doono Ciidamada Booliiska.

Taliyaha  C. Boolisa-Jeneral-Saacid.jpg1Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal C/xakiim Daahir Siciid “Saacid” ayaa sheegay in isbedel muuqda Lagu Sameyn doono Ciidamada Booliiska, kadib markii dib u habeyn xoog leh lagu sameeyay qeybaha ciidanka booliska iyo hogaamadiisa.

Gen. Saacid ayaa tilmaamay in la horumarinayo ciidanka Booliiska islamarkaana ay helidoonaan tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda ayna helidoonaan qalab casri ah oo ay ku howlgalaan.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Booliiska isbedel farabadanaa kusoo socda oon fuleyno heerarki aan soo marnay inaan ka gudbidoono insha’allaah waxaana rajeynayaa sanadka cusub inaan u gudubno qorshayaal cusub oo wax looga bedelayo ciidanka qaabkiisa’’.

Jeneraal C/xakiim Daahir Siciid “Saacid” ayaa tibaaxay in ciidanku uu yahay u adeegaha shacabka sidaasi darteedna ay haboontahay in uu helo sumcad iyo sharaf uu ku kasbado kalsoonida shacabka,  wuxuuna rajeeyay in xiriirka ka dhaxeeya shacabka iyo boolisku uu noqdo mid wanaagsan.

SomaliSwiss    Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: