Advertisements

Madaxweyne Yoweri Museveni oo Hagardaamada iyo musuq-maasuqa Taliyeyaasha Ciidamada AMISOM ku baraarugay.

Yoweri MuseveniMadaxweyne Yoweri Museveni ayaa niyad jab ka qaaday warbixin ay u soo gudbiyeen ciidamada Uganda  ee UPDF oo ka tirsan howlgalka AMISOM kuwaas oo bedel ahaan ugu soo laabtay dalkooda.

Wargeyska Monitor ee ka soo baxda magaaladda Kampala ayaa qortay  in Madaxweyne Musevi  uu ku baraarugay arrimo dhowr ah o la xiriira Ciidamada AMISOM, kaddib markii uu  kulan xog wareysi ah kula qaatay dugsiga tababarka ciidamada ee Singo ee  degmada Nakaseke Askar ka soo laabatay howlgalka Soomaaliya, isagoo dhammaan saariishada ciidanka ka codsaday inay ka baxaan hoolka shirka, si uu ciidanka uga helo warbixin buuxda oo la xiriirta noloshooda, qaabkii ay u dagaalami jiree, hogganka ciidanka iyo mushaarkii ay heli jireen.

Sida la sheegay Askartan ayaa Madaxweynaha ka ilmeysiiyay, kaddib markii ay u sheegeen inay marar badan ay la dagaaleen ciidanka ay AL-shabaab iyagoo gaajeysan, isla markaana waxay cunaan aan heysan, mararka qaarna loo keeni jiray raashin uraya oo la kariyay dhowr maalmood ka hor , “Taliyaashu waxay suuqyada ka soo iibsan jireen cunto macaan oo nadiif ah, inagana waxay nagu qasbi jireen inaan cunno mid ureysa” ayay madaxweynaha u sheegeen askar ka tirsan guutada 45-aad ee ciidanka Uganda.

Sidoo kale Wargeyska Monitor wuxuu qoray in askartan si qalbi furan warbixintan ula wadaageen Madaxweyne Musevi, iyagoo  u shegay in saraakiisha ciidanku ay iibsan jireen shidaalkii loogu talo galay in ay ku dagaallamaan baabuurta gaashaaman sida Taangiyada.

Askartan ayaa waxay Madaxweyne Museveni u sheegeen sidatan: “Gaadiidka dagaalka ee aan xabadu karin looma isticmaali jiran dagaalka Al-shabaab,  waxayna taa bedelkeeda ay jidadka Muqdisho u mari jireen (dadku ha idin arkaa iyo is tus-tus), waayo shidaalkii ay ku dagaallami lahaayeen waxaa iibsadn taliyaasha”.

Wargeysku wuxuu sheegay in Ciidankan ay mid-Mid Madaxweynaha ugu warameen ama ay sheegeen in taliyasha ciidanka AMISOM ula dhaqmi jireen sidii mucaarad oo kale, waxayna sheegeen in laga musuq-maasuqay  mushaaraadkooda iyo gunnooyinka loo soo saxiixay.

Askari magaciisa la qariyay oo ka tirsan ciidanka difaaca cirka ayaa wuxuu yiri: “Ilaa bishii September ee sanadkii hore ma aynaan helin gunnoyinkeenii, haddii aan weydiino taliyasheena waxay noogu jawaabi jireen handadaad ah in dib naloo celinayo haddii aan mar dambe  kala hadalno arrinta mushaarka”.

Dhanka kale Museveni oo xanaaq daraadiis indha isku haya, ayaa indhaha kala furay markii askari kale  oo ka tirsan ciidanka lugta uu u sheegay in taliyaasha ciidanka ay hubka iyo rasaasta ka iibiyaan dadka shacabka ah ee  Soomaaliyeed, taas oo ay xitaa dhici karto inay ka mid yihiin wakiilo u shageeqa xarkada alshabaab, kuwaas oo ciidanka UPDF ay dagaa kula jiraan.

Askarta ayaa sheegay in xilligan ka hor aysan su’aalaha iyo warbixintan soo bandhgi karin, iyagoo sheegay inay aaminsanaayeen in madaxweynuhu ka war hayo dhibaatada heysata ciidankiisa.

Sida uu qoray Wargeyska Monitor, eraygii ugu horeeyay ee Museveni ka soo yeera  kaddib markii uu  dhageystay warbixinta wuxuu ahaa;  “Waan ka xumahay wax kasta oo idinku dhacay intii aad joogteen halkaas (Somalia), arrintan hada ayaan ku  baraarugay, waxaana idinka ballan qaadayaa inaan wax ka qabanayo khaa’iniintii magaca Uganda dhulka ku jiiday”

Warbixita uu helay Wargeysku ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynuhu uu ciidankiisa uga mahadceliyay faah-faahinta dheeriga ah oo ay ka siiyeen howlgalka AMISOM ee Somalia, wuxuuna sheegay in xitaa laamaha sirdoonka uusan weli ka helin warbixin nuucan oo kale ah.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidanka Uganda  Lt Col Paddy Ankund ayaa ka gaabssaday inuu faah-faahin ka bixiyo kulankaas, isagoo sheegay inaanu goob joog ka aheyn, wuxuuse xaqiijiyay inay jiraan ugu yaraan 24 ciidan, saraakiil iyo  qandaraasle yaal ah oo loo ganaaxay qiyaanooyin, xatooyo iyo  musuq-maasuq awgeed.

SomaliSwiss    Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: