Advertisements

ciidamada amaanka Dalka Uganda oo heegan la geliyey, si loo adkeeyo Ammaanka Dalkaas.

AmisomWar ka soo baxay Dowlada Uganda ayaa sheegaya in adkeeyey amaanka Dalkaas, iyadoo heegan gelisay ciidamada amaanka wadankasi si ay uga hortagaan weeraro Argagixiso oo ay geystaan kooxaha Alqaacida iyo Al-shabaab.

Dowlada Uganda oo ka mid ah wadamada deriska la ah Kenya qeybna ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa wadda qorshayaal lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee dalkaasi.

Mr. Ufuna Ubuda oo ah Afhayeenka dowladqa Uganda ayaa sheegay in heegankii ugu sareeyay la geliyay ciidamada amaanka iyo kuwa sirdoonka ee dalkaasi,  taasi oo ay kaga gaashaamanayaan weeraro argagixiso.

Afhayeenka oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Waxaan qaadnay talaabo muhiim ah ciidamo dharcad ah iyo kuwo kale ayaanu dhignay goobo kala duwan,  waxaana ugu badan goobaha ay dadku ku badanyihiin  si aan u fashilino weerarada argagixisada’’.

Sidoo kale Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata wuxuu intaa ku daray in dowlada Uganda aysan qorshaha ugu jirin iney ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, taas bedelkeedana wuxuu hoosta ka xariiqay iney ku dadaaleyso sidii loo xoojin lahaa dagaalka lagula jiro argagixisada.

Hase yeeshee tan iyo markii ay kooxda Alshabaab sheegatay weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Nairobi ayaa waxaa sii kordhayay walaaca ay arintaasi ka qaban wadamada caalamka.

SomaliSwiss    Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: