Maanta oo dalka iyo dibadaba laga xusay wax-qabdka Dowladdii Kacaanka halka Shacabkana laga codsaday inay taageeraan Dowladda Soomaaliyeed.

Jaalle M. Siyaad BarreMaanta oo ay bisha Oktoobar ku beegan tahay 21 ayaa waxay ahayd markii ay xukunka dalka la wareegtay sannadkii 1969-kii dowlad milaterigu uu hor-kacayo, taasoo uu madaxweyne ka ahaa Jen. Maxamed Siyaad Barre oo ku geeriyooday dalka Nigeria bishii Jannaayo ee sannadkii 1995-kii. HOOS KA DAAWO BARNAAMISH GAAR AH.

Kaadiriintii la soo shaqeeyay dowladdii Kacaanka ee Soomaaliya oo qaarkood ay maanta la hadleen warbaahinta dalka ayaa waxay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan dowladda federaalka ee hadda shaqeynaysa, maadaama dalka uu soo maray 22-sano oo dhibaatooyin iyo colaado ah.

Maanta oo ay bisha Oktoobar ku beegan tahay 21 ayaa waxay ahayd markii ay xukunka dalka la wareegtay sannadkii 1969-kii dowlad milaterigu uu hor-kacayo, taasoo uu madaxweyne ka ahaa Jen. Maxamed Siyaad Barre oo ku geeriyooday dalka Nigeria bishii Jannaayo ee sannadkii 1995-kii.

Jen. Maxamed Siyaad Barre oo shacabka kala hadlayay qalabka warbaahinta markii uu xukunka la wareegay wuxuu yiri: “Soomaalida waxaan kula taliyaa inay dhibaatada iska daayaan oo ay kala soo baxaan dalka khayraadka ku jira. Waayo guryo la dhaco, dad xoolihii oo la boobo, dhiigga dad oo la banneysto, iyadoo loo dilayo waa keer iyo wax la mid ah; haddii tani sii socoto waxay horseedi karaan dhibaato intaan kasii badan”.

Marxuum Maxamed Siyaad Barre ayaa sidoo kale wuxuu waqtigaas ku boorrinayay Soomaalida inay dhulkooda kala baxaan khayraadka, isagoo sheegay in baahi ay jirto inta xabbad la isku haystana aan laga bixin karin baahida iyo dhibaatooyinka.

Sidoo kale, Col. Maxamed Xasan Nuur oo ka mid ah saraakiishii xukuumaddii Kacaanka lasoo shaqeeyay ayaa sheegay in madaxweynihii hore uu qabtay wax badan oo muuqda, loona baahan yahay in Soomaalidu ay ka fikirto sidii ay dhibaatada uga bixi lahayd.

Col. Maxamed Xasan oo qalabka warbaahinta Soomaalida kula hadlay maanta wuxuu yiri: “Allaha u raxmadee Maxamed Siyaad Barre wuxuu ahaa hoggaamiye caadil ah, waayo wax badan ayuu dalka u qabtay, tan iyo marki la ridayna dalka ma soo marin dowlad caadil ah. Balse waxaan kula talinayaa shacabka inay taageeraan dowladda federaalka oo doonaysa in dalka ay dhibaatadii uu soo maray ka saarto”.

Xukuumaddii Kacaanka ayaa waxay talada dalka kula wareegto si awood ah iyadoo afgambisay xukuumaddii xilligaas jirtay, kaddib maalmo yar markii magaalada Laascaanood ee gobolka Sool lagu dilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C/rashiid Cali Sharma’arke oo xukunka kula wareegay doorasho xor ah.

Si kasta ha ahaatee tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa dalka soo maray dhibaatooyinka isugu jira colaado, abaaro iyo dhibaatooyin kale, taasoo keentay in malaayihiin qof oo Soomaali ah ay qoxooti ku noqdaan caalamka oo dhan.

HALKAAN KA DAAWO XUSKA IYO XUSUUSTA 21-KII OCTOBER IYO WIXII KA DAMBEEYAY

DAAWO TAARIIKHDA SOOMAALIYA

SOMALI HISTORY PART ONE

SOMALI HISTORY PART TWO 

SOMALI HISTORY PART THREE

TAARIIKHDA WALAALAHA JABUUTI

XUSKA 26-KA JUUN & 1-DA JUUNYO Xornimadii Soomaaliya.

HALKAAN KA DHEGAYSO BARNAAMISH GAAR AH OO AAN KA DIYAARINAY Waxqabadkii Kacaanka: 21-kii Sano ee Mileteriga iyo 21-Kii sano ee Maleeshiyaadkii Magacyo badan.

HALKAAN KA DAAWO BARNAAMISHYO WAXQABADKII KACAANKA IYO KHUDBADIHII SIYAAD BARRE IYO GOLAYAASHII XISBIGII HANTIWADAAGA KACAANKA OCTOOBER

HALKAAN KA DAAWO BARNAAMISHYO KALA DUWAN OO KU SAABSAN TAARIIKHDA DALKA SOOMAALIYA

KHUDBAD UU JEEDIYAY SIYAAD BARRE 7-DII MAY 1970

HALKAAN HOOSE KA DHEGAYSO BARNAAMISH GAAR AH: 21-ka OCTOOBER

Fadlan, ogsoonoow, heesaha Qaarkood waxaa laga yaabaa inaad u baahato haddii aadan heysan barnaamish-ka Flash player si aad ugu dhegeysato halkaan, haddii kale kuuma soo baxayaan.

QAAR KA MID AH KHUDBADIHII UGU XIKMADDA BADNAA EE SIYAAD BARRE JEEDIYAY IYO HEESIHII KACAANKA HOOS KA DHEGEYSO

KHUDBADDII UGU HOREYSAY EE SIYAAD BARRE JEEDIYAY 23-KII OCTOBER 1969
Khudbaddii Jaalle Siyad uu 1980-kii uga hadlay Jabhadaha iyo waxa ay dalka la doonayaan.
Dardaarankii aan la dhegaysan ee Jaalle Siyaad ku sagootiyay Soomaalida oo 21 sano ka dib la fahmayo macnaheeda.  
MID KA MID AH HEESIHII KACAANKA UGU CAANSANAAA (DADBEY MEELII BUGTAA)
HEESIHII KACAANKA UGU CAANSANAA (KUFTAY DHACDAY MAXAA TAQAAN)  
HEESTII KACAANKA EE (OKTOOBAREY ADAA LAHAA)  

HALKAAN RIIX HEESIHII KACAANKA OO DHAN, OO KU URUUSAN KEYDKA XUSUUS DHOWRKA SOMALISWISS

%d bloggers like this: