Jen. C/xakiin Daahir Saacid oo safar lama filaan ah ku tagay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Taliyaha Booliiska Somalia.Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. C/xakiin Daahir Saacid (Saacid) iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta safar lama filaan ah ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Sidoo kale, Jen. Saacid ayaa lagu sheegay safarkiisa inuu salka ku haya sidii kormeer uu ugu sameyn lahaa saldhigyada booliiska ee degmada Baydhabo, wuxuuna la kulmay saraakiisha ciidamada booliiska gobolka iyo kuwa degmada.

Sida lagu soo warramay Booqashada taliyaha oo aan horey la shaacin ayaa waxay kadis ku noqotay guud ahaan saraakiisha booliiska gobolka iyo kuwa degmada, wuxuuna Jen. Saacid socod kusoo maray qaybaha kala duwan ee magaalada iyo daafahaeeda.

Waa markii ugu horreysay oo taliyaha Ciidamada booliiska Soomaaliya uu socdaal ku tago Baydhabo tan iyo markii xilkan loo magacaabay, iyadoo magaalada ay ka jirtay xilliyadii lasoo dhaafay falal ammaan-darro oo ay geysanayaan kooxo hubeysan oo aan haybtooda la garanayn

Dhanka kale Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda shir maamul loogu sameynayo lix gobol oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, iyadoo taliyuhu uusan tagein halka uu shirku uga socdo waxgaradka iyo aqoonyahannada kasoo jeeda gobollada maamulka sameynaya.

Waxaa kaloo lagu soo warramay in maanta magaalada Baydhabo ay gaareen ergooyin kala duwan oo dalka dibadiisa iyo gudihiisa ka yimid, kuwaas oo ay ka jireen ganacsato billaabay inay dhaqaale u ururiyaan shirka maamul sameynta gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

SomaliSwiss      Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: