Howlgallo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay ka sameeyeen Muqdisho oo lagu soo qabqabtay dhallinyaro laga shakiyey.

HowlgalHowgallo ay maanta ka sameeyeen Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM degmada Kaxda oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa kusoo qabqbatay dhallinyaro fara badan oo loogu shakiyey inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Sida la sheegay howlgalkan ayaa socday muddo saacado ah waxay  ciidamadu guri-guri ugu galeen baareen degmadaas oo ku taalla dhinaca koonfur galbeed ee xarunta Soomaaliya, waxaana howgalladan ay ku sheegeen kuwo lagu ammaanka guud ee caasimadda lagu sugayo.

Mudane C/weli Yuusuf Axmed oo ah Guddoomiyaha degmada Kaxda, ayaa maanta warbaahinta kula hadlay degmadaas wuxuuna sheegay in howgaladdu ay ahaayeen kuwo lagu sugayo ammaanka degmada iyo guud ahaan Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Kaxda oo saxaafada la hadlayey wuxuu yiri: “Waxaa howgalladan lagu soo qabqabtay dhallinyaro lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, waxaana shacaka degmada ku boorrinaynaa inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si ammaanka loo sugo”.

Sidoo kale Saraakiisha ciidamada dowladda ee hoggaaminayay howgalka ayaa iyaguna u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta in howgalkan uu ahaa mid ka mid ah howlgallada ay ka wadaan Muqdisho, si ay uga sifeeyaan caasimadda dad ay ku sheegeen inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab oo ammaan-darro wada.

Warku wuxuu intaas uu ku darayaa in dhallinyaradii howgalkan lagu soo qabqabtay ay qaarkood lagu xiray qaar ka mid ah xabsiyada Muqdisho, iyadoo saraakiishu ay sheegeen in baaritan lagu sameyn doono, ciddii aan dambi yeelanna lasii dayn doono.

Sida la ogsoon yahay ayaamahan ayaa waxaa ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan xaafadda ZONE K ee gobolka Banaadir dilal qoorsheysan oo lagula beegsaday laba askari oo ka tirsan ciidamada dowaldda Soomaaliya, kaddib markii askartan lagu weeraray guryo ay xaafaddaas ka degenaayeen.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: