Advertisements

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba oo dood dheer kadib isku afagarad Qodobadii keenay muranka.

W. arimaha_gudaha & Axmed_MadobeWaxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose lagu soo gabagabeeyay wadahadallo qaatay mudo laba maalmood ah oo u dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Masuuliyiinta Maamulka KMG ee Jubba, sidoo kale ay wadahadalladan waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socday Ururka Midowga Afrika.

Kadib dood dheer iyo is fahanwaa ku aadan qodobadii laga wadahadlayay ayay labada dhinac ugu danbeeyntii si wadajir ah isugu afgarteen qodobadii ugu darnaa ee uu muranka ka taagnaa.

Waxaa kamid ahaa Qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen:

1-  In hogaamiyaha maamulka Jubba uu kasoo qeybgeli doono shirka looga hadlayo arimaha Jubooyinka ee ay dowladda Soomaaliya iclaamisay, kaasoo lagu qaban doono magaalada Muqdisho.

2-  In lasoo xareeyo ciidamada ku sugan duleedka Kismaayo ee uu hogaamiyo COL Barre Aadan Shire (Hiiraale), iyadoona soo xareyntooda ay ka wada shaqeyn doonaan guddiyo ka kooban dowladda Soomaaliya, maamulka Jubba iyo AMISOM.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed iyo hogaamiyaha maamulka Jubba oo heshiiskooda kadib warbaahinta la hadlay ayaa labaduba guul ku tilmaamay go’aanka ay gaareen, waxayna sheegeen in hada kadib la ambaqaadi doono sidii loo dhaqan gelin lahaa waxyaalaha ka dhiman heshiisyada ay labada dhinac gaareen.

Hogaamiyaha maamulka Jubba ayaa hore u shaaciyay in uusan ka qeybgeli doonin shirka ay dowladu sheegtay in lagu qaban doono Muqdisho, wuxuuna heshiiskan meesha ka saarayaan khilaafkii ka dhex aloosnaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba ee ku aadanaa hanaanka siyaasadeed ee gobollada Jubooyinka.

Wafdigii ka socday dowladda Soomaaliya ee uu hogaaminayay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa heshiiska kadib dib ayaa u dhaqaaqay dhanka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana sii sagootiyey masuuliyiinta ugu sareeysa ee maamulka Jubba.

SomaliSwiss      Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: