Advertisements

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya oo ka dalbaday Hay’adaha dowladda in gurmad loo fidiyo dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Baladweyne.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh MaxamuudMadaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dalbaday hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya inay u gurmadaan dadkii waxyeelladu kasoo gaartay qaraxii ka dhacay magaalada Baladweyne shalay oo Sabti ahayd.

Federaalka Xasan Sheekh ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay Baladweyne uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin howlaha ka socda gobolka Hiiraan, isagoo ku daray hadalkiisa in Al-shababa ay awooddoodu aad u xumaatay.

Inj. C/raxmaan Yariisow oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay Muqdisho wuxuu yiri: “Madaxweynuhu wuxuu hay’adaha dowladda ka dalbaday inay gargaar deg-deg ah la gaaraan dadkii ku waxyeelloobay Baladweyne,” sidaa waxaa yiri afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya,.

Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay oo ma’suuliyaddiisa ay Al-shabaab sheegatay ayaa waxaa ku dhintay 19-qof oo qaar ka mid ah ay u dhinteen dhaawacyo soo gaaray, halka ay 40-qof oo kale ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen.

Afhayeenka madaxweyanha wuxuu sheegay in nidaamka dalka lasoo celiyo waa hadafka koowaad ee madaxweynaha waa hadafka dowladda, madaxweynuhuna meel walba oo uu tago arrintaas ayuu ka sheegaa, hadana waxaan mareynaa marxaladii ugu dambeysay oo dalka lagu xasilinayo”.

Sidoo kale, Afhayeenku wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa ururo ay ka mid yihiin Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo dalalka saxiibada la ah Soomaailya ay waddo dadaal lagu xoojinayo ciidammada xoogga dalka.

Afhayeenka Xukuumadda ayaa ugu dambeyntii, sheegay in Al-shabaab ay ku jiraan marxlado quus ah isagoo xusay inay dowladda ka go’an tahay inay ka saarto dalka oo dhan, si nabadgalyada loo adkeeyo.

Sida la wada ogsoon yahay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Baladweyne ayaa noqonaya kii labaad oo degmadaas ka dhaca tan iyo markii Al-shabaab lagala wareegay maalmihii ugu dambeeyay ee sannadkii 2011.

SomaliSWiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: