Advertisements

Dadki Ku Dhaawacmay Qaraxii Shalay Ka Dhacay Beledweyne oo la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho.

???????????????????????????????Dadkii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay Beledweyn ayaa barqanimadii maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

???????????????????????????????Diyaarad ay dirtay dowlada Federaalka ah uuna la socday gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa magaalada Beledweyn ka soo qaadday soona gaarsiisay Muqdisho 14 qofood oo ku dhaawacmay masiibadii shalay ka dhacday Beledweynm  kuwaas oo hadda lagu daweynayo cisbitalka AMISOM ee Xalane.

Ka hor inta aan saaka Beledweyne laga soo qaadin 14 ka dhaawaca ah ayaa waxaa halkaasi ku geeriyooday Sadex ka mid ah dhaawacyadaasi,  iyadoo tirada guud ee dhaawacyadu ahaayeen 17.

???????????????????????????????Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo isagu soo qaaday dhaawacyadaasi ayaa wacad ku maray in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay uga daba tegi doonaan meel kasta oo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Sida la sheegay Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay dadaal xooggan u galeen sidii dadka dhaawacyada ah ee daran loogu qaadi lahaa Muqdisho taasna ay ku guuleysteen, iyagoo xusay in tani ay qayb ka tahay howlaha la doonayo in lagu badbaadiyo dhaawacyada..

Si kasta ha ahaatee Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku dhintay 19-qof oo ay ku jiraan saddexdii qof ee xalay dhaawacyada u dhintay iyadoo ay ku dhaawacmeen 40-qof oo kale, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo dhaawacyo halis ah qaba.

SomaliSWiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: