Advertisements

Gaari ay lahayd Hillary Clinton oo Lagu Gaanaxay magaalada London.

hillary-clintonHillary Clinton oo haweynay si aad ah looga yaqaana Caalamka ayaa lagu Ganaaxay Magaalada London ka dib markii ay Gaarigeeda dhigatay Goob Lacag Laga Baxiyo iyadoo aanan saaran wax Waraaq Cadeynaya in ay Dhibtay Qarashka Parkingka waxaana durbaba yimid Nin ahaa kuwa Gawaarida Sharci darada lagu Dhigo Ganaaxa saara ama u jaro asigoo si geesinimo ah ugu jaray gaariga Hillary ay wadatay oo ahaa Mercedes qalin ah.

Hillary Clinton ganaax

Mrs. Hillary ayaa Ilaalada amniga la socday waxay u Shegeen Ninka in ay tahay Diblomaasiyad Ahna Xaaskii Madaxweynaha Mareykanka ee Hore Bill Clinton oo ay Haatan ku jirto Aqalka Chathem House ayna soo laabaneyso balse waa uu ka Biyo Diiday Ninkii Asigoo u Jaray 80 £ Hillary Gaarigeeda.

Hillary waxay Tagtay halkaasi in ay Aqbasho Abaal Marin, ay ka Heshay Aqaleka Chatem House taasoo intii ay Gudaha ku jirtay ay Ganaaxayaasha Westminister la Dhaceen Ganaax aan loo Naxiirasan ayagoo waliba arkayay in ay wadato Gaariga Diblomaasiyiinta balse waxuu Ninkii Ganaaxay Sheegay in uusan Aqoon u laheyn taasi uu kaliya yaqaano Sharciga iyo Qofkii Baxiyo Lacagaha parkingka.

Sidoo kale waxaa amniga Hillary ilaalinayay ilaalada loo yaqaano Secret Service ee ilaaliso amniga madaxda mareykanka sida xaaska iyo qoyskaska Madaxweynayaasha soo Mara Marykanka.

Sida la wada ogsoon yahay Magaalada London ayaa caan ku ah Taraafik Waalan iyadoo aan la iskugu Naxariisan in la Ganaaxo Qofkii meel qalad ah dhigta Gaariga ama Qofkii dhigtaa Meel Lacag ah asigoo aanan iska Baxin Lacagaha dhigashada.

Mararka Qaarna Waxaaba Dhacda In Gaarigaagii La Qaado Lana Geeyo Garaash Ay Leedahay Manashiibiyada Magaalada.

SomaliSwiss     London

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: