Bankiga Barclays ee ku yaala dalka Ingiriiska ayaa la sheegay inuu doonayo inuu xiriirka u jaro xawaalada Dahabshiil ee Soomaaliya, balse Xawaaladda Dahabshil ayaa ka dhiidhisay in laga xero xisaabta ay ku leedahay Bankigaas.
Talabadaasi haddii uu Bankiga Barclays ku dhaqaaqo ayaa noqon doonta mid sameyn balaaran ku yeelan doonta soo dirista lacago gaaraya 160-milion oo dolarka Maraykanka oo sanad weliba laga soo diro wadanka Ingiriiska soona gaara gudaha Soomaaliya.
Bankiga Barclays ayaa waxa uu arimahasi ku tilmaamay inuu ka baqaayo in gacmo qaldan ay ku dhacaan lacagaha uu xawilo gaar ahaan inay gacanta u gasho dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Dhanka kale Xawaalada Dahabshiil Soomaaliya waxay horey Barclays uga digtay joojinta shaqada uu u haayo xawaaladaha Soomaalida waxana ay tilmaantay in dhibaato bini aadanimo ay ka dhalan karto.
SomaliSwiss  London
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.