Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ee qaybga ka ah AMSIOM ay sii joogi doonaan Somalia inta ay cagaheeda isaga taagayso, amnigana dib looga soo celinayo, kaddib khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ciidul Adxa oo lagu qabtay magaalada Jabuuti.
Madaxweyne Geelle ayaa hambalyo u diiray ciidamada dalkiisa ee Soomaaliya ku sugan ; isagoo ku amaanay waxqabadka iyo dadaalka ay gacan ku siinayaan dadka Soomaaliyeed ee ay walaalaha yihiin, isagoo ugu baaqay inay howshooda ka sii wadaan halkaas.
Madaxweynaha ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray: “Hambalyo ayaan u dirayaa geesiyaasheena jooga Soomaaliya ee dadaalka ku bixinaya taageerada walaalahood. Itaalkeennu inta uu yahay waa sii wadi doonnaan taageerada iyo tababarrada aan siinayno ciidamada walaalaha ah ee Soomaaliyeed si ay dalkooda cadowga uga ceshadaan”.
Sidoo kale Madaxweynaha Jabuuti wuxuu sheegay inaysan hanjabaadaha ka imaanaya Al-Shabaab aysan shageysan doonin, isagoo kuwa hanjabaya ku sheegay in aysan ahayn iyaga, balse lagu adeeganayo oo kooxo kale ay hanjabaadda waddo.
Madaxweyne Cumar Geelle oo ka hadlayey arrintaas wuxuu yiri: “Hanjabaadaha ka imaanaya Al-shabaab oo dhiigga shacabka xalaaleystay ma ahan kuwo aan maqlayno, waayo waa kuwo dhibaato ku haya dadkii dad u xigay ee Soomaaliyeed, marka cid kale oo ay u naxayaan ma jirto,” ayuu iisa ku daray madaxweynaha Jabuuti.
Sida la wada ogsoon yahay Dalka Jabuuti ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan hal guuto oo ciidammo ah, kuwaasoo ka howlgalaya deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay ku jirto magaalada xarunta ah ee Baladweyne.
Dhanka kale Xarakada Al-Shabaab ayaa dhawaan ugu baaqay madaxweynaha Jabuuti in ciidamadiisa uu kala baxo Soomaaliya, haddii kale ay la kulmayaan cawaaqib iyo weeraro ay la beegsanayaan ciidankooda jooga gobolka Hiiraan.
SomaliSwiss Jabuuti
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.