Diblamaasiyiin ka socotay Dalka Netherlands iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha dowladda oo kulan ku yeeshay Muqdisho

kulan HollandAgaasimayaal iyo wakiillo ka kala socda qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda federaalka Somalia ayaa maanta kulan kula yeeshay garoonka diyaaradaha Muqdisho dublamaasiyiin ka socda dowladda Netherlands, iyadoo kawada hadlay sidii iskaashi uu u dhexmari lahaa labada dowladood.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Avv. Xirsi Xaaji Culusoow ayaa Kulankan shir-guddoominayay, waxaana goobjoog ka ahaayeen ku-xigeenka agaasimaha guud ee madaxtooyada Thaabit Cabdi Maxamed, qaar ka mid ah la-taliyeyaasha madaxweynaha, qaar ka mid ah agaasimayaasha wasaaradaha kheyraadka, howlaha guud, tamarka iyo dekedaha, arrimaha dibadda ayaa waxaa kala qayb-galay danjiraha Netherlands ee Soomaaliya, Joost Reintjes iyo k uxigeenkiisa Alain Ancion.

Mudane Culusoow ayaa kulankaasi kaddib sheegay in wasaaraddiisu ay xog-wadaag la sameyn doonto dhammaan wasaaradaha xukuumadda iyo xafiisyada Qaranka si loo ilaaliyo haybadda iyo dowladnimada, loona gaaro ujeeddada guud ee Qaranka.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: