Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo ah Afhayeenka guud ee Xarakada Al-shabaab ayaa shalay degmada Baraawe kula hadlayya boqolaal qof oo ka tirsan shacabka degmadaas wuxuuna sheegay in dalka Kenya uu ku dhawaaday inuu ka mid noqdo goobaha ay ka taliyaan, balse ay ka badbaaday, haddana ay filan doonaan waxyaabo kale.
Sidoo kale Sheekh Cali Dheere ayaa ka hadlay weerarkii ay ciidamada gaarka ah ee Mareykanku ku qaadeen dhawaan degmada Baraawe, isagoo xusay in uu ahaa mid indhaha caalamka looga jeedinayay weerarkii Westgate Mall.
“Magaalada Nairobi waxay ku dhawaatay, kana badbaaday inay ka mid noqto deegaannada aan ka talino ee maamullada leh, kaddib markii koox yar oo ka tirsan Al-shabaab ay dhowr maalmood haysteen suuqa Westgate” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Sheekh Cali Dheere oo sii hadlaya ayaa wuxuu sheegay in Al-shabaab ay sii wadi doonaan weerarrada ay ku qaadayaan dalka Kenya, isagoo sheegay inay u ahayd weerarkii Westgate mid tijaabo ah oo ay ku ogaadaan awoodda ay leeyihiin ciidamada Kenya.
Dhanka kale Xarakada Al-shabaab ayaa xarunta ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi ku qaaday weerar bishii lasoo dhaafay, kaasoo qaatay dhowr casho, waxaana ku dhintay in ka badan 67-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen dhowr boqol oo kale.
Afhayeenka Al-shabaab aya asheegay in weerarkii Baraawe ay kusoo qaadeen ciidamada gaarka ah ee Mareykanka uu ahaa mid caalamku ay doonayeen inay indhaha kaga jeediyaan weerarkii Westgate Mall oo ahaa weerar dhibaato badan gaarsiiyay Kenya.
Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu hadalkiisa kusoo xiray in ciidamadii ay kala laabteen degmada Baraawe ceeb, fadeexo iyo khasaare nafeed oo kala duwan, wuxuuna xusay in weerarka lagu bartilmaameedsaday guri xeebta ku yaalla oo ay deggenayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.
SomaliSwiss Baraawe
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.