Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kumanaan Muslimiin ah kula Tukaday Maanta Masaajidka Isbahaysiga Islaamka.

Salaadda CiidaMadaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kula tukaday maanta masaajidka isbahaysiga Islaamka salaaddii ciidul-adxa, iyadoo hadal uu madaxweynuhu ka jeediyay masaajidka uga dalbaday dadka Soomaaliyeed inay isku naxariistaan oo ay is-cafiyaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka inay ka shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa dalka. Isagoo xusay in Qaranimada aan lagu gaari karin tafaraaruq iyo kala daadsanaan.

“Ciiddan ciiddeeda waxaan shacabka Soomaaliyeed u rajeynayaa inay nabad ku ciidaan, waxaana ku boorrinayaa in si wadajir ah looga shaqeeyo nabada dalka,” sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Salaadda Ciida.jpg1Madaxweynuhu wuxuu sheegay in nabadda dalka ay ku xiran tahay dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in haddii aan nabadda aan si wadajir ah looga  shaqeyn aysan soo laaban karin.

Madaxweynuhu oo hadal ka jeediyay masaajidka isbahaysiga Islaamka wuxuu yiri: “Shacabka Soomaaliyeed waxaan kula dardaarmayaa inay is-cafiyaan oo ay niyadda isku furan, waayo maanta waxaa billowday maalmo farxsadeed oo Islaamka muhiimad gaar ah u leh”.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo isna ka hadlay munaasabaddaas wuxuu sheegay in shacabka looga baahan yahay inay kala shaqeeyaan ciidamada ammaanka sidii nabadda loo adkeyn lahaa, isagoo ka digay in shacabku ay caawiyaan kooxaha nabadda-diiddan.

Si kasta ha ahaatee, dadkii isbahaysiga Islaamka kula tukaday madaxda dowladda ayaa waxaa ka mid ahaa shaqaalaha Turkiga ah ee ku sugan Soomaaliya, iyagoo qaarkood oo warbaahinta la hadlay ay sheegeen inay si aad ah ugu faraxsan yihiin inay shacabka Soomaaliyeed la ciidaan.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: