Advertisements

Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo laga mamnuucay in lala gelo hub, si loo adkeyayo ammaanka.

Wasiirka_Warfaafinta_SomaliaWasiirka warfaafinta Soomaaliya, C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa shaaca ka qaaday in aan lala geli karin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho nooc walba oo hub ah, taasoo uu ku sheegay inay tahay mid lagu adkeyayo ammaanka garoonka.

Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo la hadlayay xildhibaannada baarlamaanka Somaila ayaa xusay in lagu wareejiyay maamulka garonka shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo FAVORI LLC taasoo dib u dhis iyo casriyeyn ku sameyn doonta garoonka muddo sideed bilood gudahooda ah.

wasiirka ayaa xusay inaanay macquul ahayn in qori lala galo, wuxuuna caddeeyey in marka ay dhoofayaan madaxda qaranka ama ay soo dagayaan ilaalooda waxay wadan karaan oo keliya bastoolado, balse qoryaha waaweyn waa laga reebayaa bannaanka garoonka.

Mudane C/llaahi Ciilmooge wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka garoonka ay ka reebi doonaan cid walba oo doonaysa inay garoonka galaan hubka, isagoo ku daray hadalkiisa in tani ay qayb ka tahay sidii lagu adkeyn lahaa amniga guud ee garoonka.

Sidoo kale, tallaabadan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo ay xukuumaddu ay qaaddo, iyadoo marka ay madaxdu dhoofayaan iyo marka ay dalka ku soo laabanayaan ay ilaaladooda hubka la geli jireen garoonka diyaaradaha.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ilaalo ka haya ciidamada AMISOM iyo kuwo Soomaali ah, isagoo dacalka ku haya xarunta ugu weyn ee ay ciidamada Midowga Afrika ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Dhanka kale, wasiirka ayaa shalay sheegay in shirkadda maamulka garoonka lagu wareejiyay ay kula xisaabtami doonaan howlaha ay qabanayso isagoo sheegay in haddii ay uga soo bixi waydo xilligii ay horay u qabadeen ay raadsanayaan shirkado kale oo kala wareega.

Si kasta ha ahaatee Shirkadda FAVORI LLC ayaa waxay ku ballanqaaday heshiiskii ay la gashay xukuumadda Soomaaliya inay muddo sideed bilood gudahood ah dib u dhis iyo casriyeyn ku sameyn doono garoonka diyaaradaha Muqdisho.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: