Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax *Saacid* oo kulan lagu dardargelinayo Amniga la qaatay hay’adaha Amniga.

 

Kulan.png2Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa xalay shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardargelinta amniga dalka, waxaana kulankan goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta hay’addaha amniga, gaar ahaana Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Taliyeyaasha kala duwan ee ciidanka Qalabka sida, Wasiir kuxigeeno, iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Kulan.png1Kulankan ayaa diirada lagu saaray wax qabadka hay’addaha dawladda iyo sidii loo sii horumarin lahaa sugida amniga, waxaana kulankan warbixino looga dhegeystay taliyeyaasha ciidanka, kuwaasoo ka warbixiyay howlgalo fara badan oo kuwaasoo looga hortegay, laguna burburiyay goobo ay ku maleegayeen kooxaha nabadiidku falal ka dhan ah amniga.

Taliyaha  C. Boolisa-Jeneral-Saacid.jpg1Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jeneral Cabdixakiin Daahir Saacid ayaa kulanka kadib la hadlay warbaahinta, waxaana uu sheegay in kulankan looga hadlay sidii loo sii dardargelin lahaa sugida amniga ee dalka, gaar ahaana caasimadda, wuxuuna tilmaamay in hay’addaha amnigu ay fuliyeen howlgalo ballaaran oo lagu guuleystay.

Sidoo kale, taliyaha ayaa xusay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadu uu balan qaaday in dawladdu ay ku bixineyso kharashaadka ugu badan horumarinta ciidanka amniga, isla markaana loo dhameystiri doono sida ugu dhaqsaha badan qalabka ka dhiman.

Dhanka kale, Jeneraal Saacid ayaa ku ammaanay shacabka Muqdisho sida ay ula shaqeeyaan laamaha amniga, isaga oo kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan, si loo cirib tiro kooxaha amni darada ka geysta magaalada.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in qodobbada soo baxay ay ka mid yihiin sidii in la sameeyo ciidammo gaar ah oo ka hortaga kuwa hubka ku dhex-wata magaalada, isagoo xusay in qof walba oo hub ku dhex wata magaalada la qaban doono.

Waxaa la isku raacay in ciidammo gaar ah oo leh direys gaar ah laga howl-geliyo Muqdisho si ay uga hortagaan kuwa hubka sharci-darrada ah wata iyo kuwa hubka sharciga ah wata, balse sida khaldan u isticmaalaya,” ayuu yiri Jen. Saacid.

Taliyaha ayaa wuxuu sidoo kale xusay in qof walba oo lagu qabto hub haddii uu yahay mid sharci u haysta oo si khaldan u istimaalay iyo haddii uu yahay qof aan sharci u haysan, isagoo xusay in sharciga lala tiigsan doono.

Ugu dambeyn, taliyaha ayaa sheegay in ciidamadan la siin doono sharciyo gaar ah oo lagu aqoonsado saldhigga uu ka tirsan yahay, ayna ka barbar shaqeyn doonaan xafiisyo loosoo gudbiyo cabashooyinka ku laga tabanayo ciidamadan.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: