Shirkii madaxda ururka Midowga Afrika oo la soo gabagabeeyay iyo Maxkamada ICC oo loogu baaqay inaysan u yeerin Mas’uul xil haya.

Shirkii_Midowga_AfrikaMadaxda ururka Midowga Afrika Shirkii ay ku lahaayeen magaalada Addis Ababa ayaa lasoo gaba-gabeeyey iyadoo go’aanadii kasoo baxay ay ka mid yihiin in madaxweyne ama ku xigeen Afirkaan ah aan looga yeeri karin maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC, lana xushmeeyo mudada ay xilka hayaan.

Intii uu socday  shirka madaxda ururka Midowga Afrika waxay si aad ah uga doodeen cabashooyin ay uga gudbiyeen oo aysan kasoo jawaabin, iyagoo ku eedeeyay maxkamadda inay ugaarsanayso madaxda Afrika oo kaliya.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa kulan gooni ah la qaatay dhiggiisa Uganda,  Yuweri Museveni iyagoo kawada hadlay xiriirka labada waddan, AMISOM iyo arrmaha ammaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa hoggaaminayay wafdigii ka qaybgalay shirka oo ay ku wehliyeen ra’iisul wasaare ku-xigeen, ahna wasiirka arrimaah dibadda, Fowzia Yuusuf, wasiirka gaashandhigga C/raxiin Maxamuud Xaaji Faqi, danjiraha Soomaaliya u fadhiya Itoobiya iyo Midowga Afrika, Axmed C/salaam Xaaji Aadan iyo mas’uuliyiin kale.

SomaliSwiss       Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: