Advertisements

Ra’iisul Wasaare Saacid oo ugu baaqay hay’adaha Amniga in ay adkeeyaan Ammaanka Deegaannada ay gacanta ku hayso dowladda.

Ra'iisul_wasaare__SaacidRa’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa hay’adaha ammaanka ee dowladda Somalia ugu baaqay inay adkeeyaan ammaanka deegaannada ay dowladdu gacanta ku hayso.

Mudane Saacid oo kulan  la yeeshay qaar ka mid ah wasiirradiisa,ayaa hadalkan ka sheegay Kulankaas, wuxuuna intaas uu raaciyey in xukuumadda ay ka go’an tahay inay sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo celiso ammaanka guud ee dalka.

Ra’iisul wasaaraha oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Inaan shacabkeenna ka ilaalinno kuwa dhibaateynaya waajib ayaa naga saaran, waxaana hay’adaha ammaanka ugu baaqayaa inay adkeeyaan guud ahaan ammaanka Muqdisho iyo deegaannada kale ee ay dowladdu ka taliso”.

Hase yeeshee wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacan ka siiyaan hay’adaha ammaanka sidii ay ammaanka ku sugi lahaayeen, wuxuuna intaa ku daray in shacabku ay ka digtoonaadaan inay guryaha ku haystaan xubno Al-shabaab ka tirsan.

Mudane Saacid wuxuu intaas ku daray ee uu yiri: “Al-shabaab dhibaato ayay dadka iyo dalka ku haysaa, waa inaydaan soo dhaweyn oo aadan karaameyn, waayo iyaguba wax karaamo ah shacabka uma hayaan”.

Hadalka ra’iisul waasaraha ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo magaalada Muqdisho ay mararka qaarkood ka dhacaan dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay geysanayaan xoogagga Al-shabaab.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dalal badan oo calaamka ka tirsan ay la leeyihiin xiriir iskaashi oo lagula dagaalamayo Al-shabaab, isagoo xusay in kooxdan aysan dhibaato ku hayn Soomaalida oo keliya, balse ay sidoo kale dhibaato ku hayaan caalamka oo dhan.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay inay magaalada Muqdisho ka fulin karto howlgalkii ay doonaan, waxaana xalay magaalada ka dhacay in ku dhow toban qarax oo lagu weeraray saldhigyo ciidan.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: