Advertisements

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta u dhoofay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Madaxweyne Xasan  Dib MuqdishoMadaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada arrimaha dibadda iyo difaaca ayaa u ambabaxay maanta magaalada Addis Ababa, iyadoo madaxweynuhu uu sheegay intii uusan dhoofin in la xoojiyo dagaallada lagula jiro Al-shabaab.

Madaxweynaha iyo wafdigiisu ayaa waxay Magaalada Addis Ababa  uga qaybgalayaan in shirar aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan madaxda Midowga Afrika iyo IGAD. Waxaana shirka Midowga Afrika looga hadli doonaa maxakamadda danbiyada caalamiga ah ee ICC. Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale wuxuu ka qeyb-geli doonaa shir madaxda dalalka ku bahoobay IGAD ay yeelanayaan, kaasoo looga hadli doono amniga iyo falkii foosha xumaa ee ka dhacay goobta ganacsi ee Westgate Mall.

Madaxweynuhu oo hadal uu jeediyay Wabaahinta intii uusan maanta ka dhoofin magaalada Muqdisho wuxuu yiri: “Soomaaliya waxey dagaal kula jirtay muddo sannado ah argagixiso, waana inaan hadda sii labo jibaarnaa howlgaladda lagula jiro. Waa inaan u diidna in ay helaan dhul ay ku tababartaan ama ay ka soo maleegaan qorshayaasha argagaxiso, waana inaan hubsaanaa in howlgaladda ciidamada ay bar-bar socdaan midka saxaafadda iyo wacyi-gelinta”.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Al-shabaab ay la mid tahay Kansar in la daweeyo u baahan, isagoo xusay inuu caalamka weydiisanayo in gacan laga siiyo dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab oo uu sheegay in awood ahaan ay hoos u dhaceen.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomsaliya wuxuu ka hadlay weerarkii ay horraantii toddobadkan ay ku qaadeen ciidamada Mareykanka degmada Baraawe oo ay ka taliso Al-shabaab, isagoo sheegay inuu qayb ka yahay iskaashiga lagula dagaalamayo Al-shabaab ee ka dhexeeya dowladda iyo beesha calaamka.

Madaxweynuhu wuxuu ugu dambeyntii uu sheegay in waxbarashada, horumarka, warbaahin iyo taageero calaamka ay yihiin kuwa keliya ee Al-shabaab looga adkaan karo, isagoo intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay karaahsadeen ficilada  Al-shabaab.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: