Gudoomiyaha Cusub ee Bankiga Dhexe Soomaaliya oo sheegtay inay wax ka beddelaysa howlaha Bankiga.

Bankiga dhexe SoomaaliyaGuddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ka warbixisay qorshaha iyo hormarinta adeegyada Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, waxayna sheegtay inay wax ka beddelaysa howlaha Bankiga.

Gudoomiyaha cusub Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Marwo Yusra Baraar ayaa markii ugu horeysay si weyn usoo dhaweeysay xilka loo magacaabay iyadoo sheegtay iney dardar gelin doonto howlaha shaqo ee Bankiga.

Marwo Yusro oo la hadlaysay Warbaahinta waxay tiri: “Mas’uuliyad weyn weeyaan xilka la ii magacaabay in badanbaan aduunka kalan ka shaqeynayay oon hey’ado farabadan uga shaqeeyay marka inan wax u qabta wadankeyga wey wanaagsantahay sidaasi darteed ayaan u aqbalay shaqada’’.

Sidoo kale Marwo Yusro oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay tilmaantay in Bankiga uu bixiyo mushaarka iyo waxa ay u baahantahay dowlada, sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqday in Bankigu uu maamulo baananka dalka. Iyo inuu wadanka u dhiso siyaasadii dhaqaalaha.

Dhanka kale Marwo Yusra ayaa xustay in ay dardargelin doonto howlaha Bankiga islamarkaana ay gaarsiin doonto heerkii loo baahnaa,  iyadoo hoosta ka xariiqday in shaqaalaha Bankigu yihiin kuwo aad u wanaagsan,  iyadoo rajo wanaagsan ka muujisay iney ula shaqeyndoonaan si howlkarnimo leh.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: