Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay xubin-nimada Midowga Baarlamaannada Caalamka.

baarlamanka soomaaliyaKalfadhigii 129-aad ee Midowga Baarlamaannada Caalamka oo loo yaqaan inter Parliamentary Union IPU oo ka furmay magaalada Geneve ee dalka Switzerland, talaadadii 8-10-2013 ayaa waxaa si buuxda uga qeybgalay dowlada Soomaaliya oo in mudo ah ka maqnayd.

Kalfadhigan ayaa noqon doona mid si buuda dib ugu aqbala Dowladda Soomaaliya xubin nimadeeda Baarlamanka Caalamka.

baarlamanka soomaaliya

Gudoomiyaha IPU Abdulwahad Radi ayaa shalay xaqiijiyay in dalada ay soo dhoweyneyso aadna u taageersan tahay golaha shacabka Soomaaliyeed, ayna soo dhoweynayaan dimuqraadiyada cusub ee dhalaanka ah ee ka soo ifeysa Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu intaasi raaciyay Gudoomiyaha hadalkiisa, in Dalladan si aad ah u garab taagnaan doonto kana caawin doonto Soomaaliya sidii ay dib ugu dhisan laheyd hay’’adaha dowliga ee ku shaqeeya habka dimuqraadiga.

Soomaaliya waxay ku biirtay daladda IPU sanadkii 1963, walow ay lumisay xubin ka ahaanshaheeda in ka badan afar jeer.

10/10 /2013 JN
Source: Jasiira.net

%d bloggers like this: