Dowladda Mareykanka oo cadeeyay hadafka ay ka lahaayeen weerarkii Baraawe.

USA. ArmyDowladda Mareeykanka ayaa shaaca ka qaaday hadafka iyo ujeedada ka danbeeysay weerarkii ay dhawaan ciidamada Kumaandooska dalkaasi ka fuliyeen guri ku yaal degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Masuul sare oo ka tirsan dowladda Mareeykanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheeegay in weerarkaasi ay ku doonayeen in ay kusoo qabtaan ninka lagu magacaabo C/qaadir Max’ed C/qaadir, kaasoo uu xusay in uu xubin  sare ka yahay ururka Al-shabaab.

Sida lagu soo warramay Ninkan ayaa asal ahaan ka soo jeeda Soomaali, balse heysta dhalasho Kenyan ah ayuu sarkaalku sheegay in uu saaxiib dhow la ahaa Faizul Cabdalla iyo Salah Nabhan oo lagu eedeyay in ay ku lug lahaayeen weerarradii 1998-dii lagu qaaday safaaradaha Mareykanka ee dalalka Kenya iyo Tanzania.

Waxaa 5-tii bishan ay Ciidamo ka tirsan kumaandooska dalka Mareeykanka ay weerar qorsheysan ku qaaday guri ku yaal degmada Baraawe kaasoo ay sheegeen in ay ku sugnaayeen masuuliyiin ay bartilmaameedsanayeen, waxaana halkaasi uu iska horimaad xooggan ku dhexmaray xoogagga Al-shabaab iyo ciidamadii weerarka fulinayay.

Dhanka kale Dowladda Mareykanka ayaa marar badan howlgallo ay ku bartilmaameedsaneeyso shaqsiyaad gaar ah waxa ay ka fulisay deegaano ay ka arimiyaan xoogagga Al-shabaab oo ku yaal koonfurta Soomaaliya.

SomaliSwiss    Washinton

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: