Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegay inay qoorsheynayaan Weeraro lagu qaado deegaannada ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.jpg1Wasiirka gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya oo sheegay inay qoorsheynayaan Weeraro lagu qaado deegaannada ay ku sugan yihiin Al-shabaab, Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa ka sheega shir ay shalay Muqdisho ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada milateriga Soomaaliya in qorshahan la dhameystiray.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Ciidamada dowladda iyo wasaaradu kama gaabinin doonaan dagaalka Al-shabaab lagula jiro, waana waajibka ugu weyn ee saaran, waxaana lasoo gabagabeeyay qorshaha looga saarayo kooxdan deegaannada ay dalka kaga sugan yihiin.

Wasiirku wuxuu sidoo kale uu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay inay kala hortagto dagaal adag, isagoo sheegay in kooxdan oo uu ku sheegay arga-gaxiso ay dhibaato weyn ku hayso Soomaaliya, dalalka gobolka iyo weliba ku caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal gaaban u jeediyey saraakiishii uu la kulmay ka dalbaday inay kordhiyaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-shabaab oo uu sheegay inay dhibaato ku hayso shacabka Soomaaliyeed.

Sida la wada ogsoon yahay Xarakada Al-shabaab ayaa waxay ka talisaa deegaanno ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana labadii sano ee lasoo dhaafay ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka qabsadeen deegaanno fara badan oo ay horay uga talin jirtay.

Sidoo kale Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi  wuxuu sheegay in Xarakada Al-shabaab laga saaray deegaanno badan, kadibna ay dagaalkooda u bedeleen dagaallo gaadmo ah, wuxuuna soo hadal qaaday dhacdadii bihsii hore  lagu weeraray suuqa Westgate Mall ee magaalada Nairobi, kaasoo caalamka u muujiyay in weli Al-shabaab ay tahay khatar aan la dhayalsan karin.

Wasiirku ma uusan sheegin wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya xilliga weerarka ku qaadayaan Al-shabaab iyo goobaha ay sida gaar ah u bartilmaameedsan doonaan, iyadoo hadalkan uu kusoo beegmayo xilli ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay toddobaadkan billowgiisii weerareen gur ku yaalla xeebta degmada Baraawe oo ah saldhigga ugu weyn Al-shabaab ee xilligan.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: