Dowlada Soomaaliya oo heshiis shidaal qodis ah lagashay Shirkad laga leeyahay dalka Ingiriiska.

IMG_2485Wasiirka Kheyraadka C/risaaq Cumar Maxamed iyo wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleyman  ayaa dowlada Soomaaliya uga qeyb galay shir looga hadlayo heshiis lagu baarayo shidaalka iyo saliida dalka Soomaaliya, kaas oo ay kasoo qeyb galeen madax ka kala socotay dalal badan oo Afrikaan ah iyo dalalka shidaalka soo saara. HOOS KA DAAWO VIDEO & SAWIRO

Wasiirka Kheyraadka dalka Soomaaliya C/risaaaq Cumar Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saarayay arrimo ay ka mid yihiin sida wadamada horumaray ay u dhiirigelin lahaayeen wadamada soo koraya, ka faa’iideysiga kheyraadka dalalkooda.

Shirka waxaa uu soconayaa sadax cisho, 7-8-9/10/2013 isla markaana maalinta koowaad waxaa looga hadlayay Soomaaliya iyo heshiiska shidaal qodista ee dhex maray dowlada Soomaaliya iyo shirkada Soma Oil ana Gas.

Waxaa shirkan lagu sheegay in shirkada Soma Oil and Gas ay howsheeda shidaal qodista dhowaan ka bilaabi doonto gudaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Shirka ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay quburo Soomaaliyeed oo ku xeel dheer arrimaha shidaalka iyo saliidda iyo meelaha ay ka fududahay in laga soo saaro.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: