Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dib ugu biiray Baarlamaanka caalamka,23 Sano ka dib.

G. Barlamaanka Jawaari.jpg2Baarlamaanka Soomaaliya ayaa  dib ugu biiray baarlamaanka caalamka oo ay xubno ka yihiin 16-waddan, sida uu sheegay, xildibaan Khaalid Cumar Cali, isagoo sheegay in baarlamaanka Soomaaliya ay tani u ogolaanayso ka qaybgalka shirarka caalamiga ah, sidaas waxaa sheegay Xildhibaan Khaalid oo ku sugan magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Xildhibaan Khaalid ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya si rasmi ah loogu ogolaaday inuu xubin buuxda ka noqdo baarlamaanka caalamka, kaddib sannado badan oo uu kursiga Soomaaliya bannaanaa.

Sida la wada ogsoon yahay  baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ku biiray baarlamaanka caalamka 1969-kii, balse sannadihii dagaallada Sokeeye lagu jireay kama uusan mid ahayn, hase yeeshee Xildhibaanku wuxuu caddeeyey in tan iyo bishii September ee sannadkii 2012 ay ku howlaayeen sidii ay ugu guuleysan lahayn ka mid noqoshada baarlamaanka caalamka.

Xildhibaan Khaalid Cumar wuxuu sheegay in dib ugu laabashadan ay fursad weyn u tahay Soomaaliya, isagoo sheegay inay muujinayso in Soomaaliya ay ka baxayso xilliyadii dhibaatada badnaa.

Sidoo kale, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay uga mid ahaa baarlamaanka Afrika iyo baarlamaanka Jaamacadda Carabta, isagoo ka qaybgeli jiray shirarka ay yeelanayaan dalalka Afrika iyo kuwa Carabta.

Dhanka kale tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 23-sano ka hor waxay Soomaaliya wayday xubinnimada hay’ado badan oo caalami ah, balse sannadkan ayay intooda badan dib ugu biirtay.

Si kasta ha ahaatee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo jira hal sano ayaa wuxuu sannadkan la galay heshiisyo iskaashi baarlamaannada dalalka Britain iyo Uganda, kuwaas oo ka mid ah baarlamaanka caalamka, waxaana baarlamaanka hadda jira uu u muuqdaa mid dadaal ugu jira inuu soo celiyo sumcaddii Soomaaliya ay ku lahayd caalamka.

SomaliSwiss      Geneve

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: