Advertisements

Mareykanka oo shaaciyay Magaca qofkii ay ku weerareen Xeebta Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Diyaarad  dagaal Duuliye la'aan ahDowladda Mareykanka ayaa shaaciysay magaca sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ee ay ku weerareen degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkasoo ah saldhigga ugu weyn ee ay ururka Al-shabaab ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya.

Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegtay in sarkaalka la weeraray lagu magacaabi jiray Cikrama iyagoo sheegay inuu u dhashay dalka Kenya, loogana shakisanaa inuu gacan ka geystay weerarkii lagu qaaday dhismaha ganacsi ee Westgate Mall.

Sida la wada ogsoon yahay Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa habeenkii Sabtida waxay weerar ku qaadeen guri ku yaalla xeebta degmada Baraawe halkaasoo uu ka dhacay dagaal socday muddo saacado ah, dagaalkaas oo lagu guuldarreystay.

Mas’uuliyiinta Al-shabaab ayaa sheegay in guriga ay weerareen ciidammo cadaan ah balse ay ka hortageen, taasina ay keentay inay dib isaga laabtaan iyagoo aan natiijo ka gaarin weerarkooda.

Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo ah Afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab oo u warramay warbaahinta caalamka ayaa beeniyay in guriga ay ciidamada Mareykanku weerareen ay ku jireen saraakiil sarsare oo Al-shabaab ka mid ah.

Abuu-Muscab ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee Reuters, wuxuuna caddeeyey  in weerarkaas ay iska difaaceen ayna fashiliyeen wuxuuna ka yiri arrintaas: “Guriga la weeraray waxaa ku sugnaa ciidammo ka tirsan Al-shabaab, been weeye inay ku sugnaayeen saraakiil muhiim u ah Al-shabaab”.

Sidoo kale Dowladda Mareykanka ayaa sheetay inay sii wadayso weerarrada ay ku baacsanayso kooxaha argagaxisada ah, iyagoo xusay inay ku beegsan doonaan meel walba oo caalamka ah.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore fashilisay weerarro ay dalalka reer galbeedka ah ku soo qaadeen deegaanno ay kaga sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in sannadkan billowgiisa ay Al-shabaab ka hortageen weerar ay ciidammo Faransiis ah ku qaadeen guri ku yaalla deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose.

omaliSwiss    Washinton

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: