Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo Shacabka Muqdisho ku booriyey inay Al-shabaab iska dhiciyaan oo aysan u ogolaan degmooyinkooda.

Tarsan1Mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ah Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho,  oo ka qaybgalay kulan ka dhacay degmada Howlwadaag ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho inay iska dhiciyaan Al-shabaab oo aysan u ogolaan degmooyinkooda.

Mudane Tarsan ayaa sheegay in degmooyinka Muqdisho qaarkood laga soo dhaweeyo Al-shabaab lagana jecel yahay, dadkoodana loo gystay dilal ay fuliyaan kooxo bastooladley ah, isagoo sheegay in Al-shabaab ay dhibaato u geysato cidda soo dhaweysa.

Guddoomiyuhu wuxuu caddeeyey inay jiraan in degmooyin ku yaalla gobolka Banaadir qaarkood lagu soo dhaweeyo Al-shabaab lagana jecel yahay, balse dadka deggan  degmooyinkaas qaarkood waxaa loo geystaa dilal qorsheysan oo ay geystaan rag bastoolado wata.

Sidoo kale, duqa Muqdisho ayaa sheegay in degmada Howlwadaag ay ka mid tahay degmooyinka aan laga ogoleyn inay Al-shabaab soo gasho, isagoo ku boorriyay shacabka ku nool degmooyinka kale ee Muqdisho inay go’aankaas oo kale qaataan.

Mudane Maxamuud Tarsan ayaan sheegin degmooyinka laga soo dhaweeyo Al-shabaab magacyadooda, balse wuxuu shacabka ku nool 16-ka degmo ee gobolka uu ugu baaqay inay ka fogaadaan inay gabbaad siiyaan Al-shabaab oo uu ku sheegay koox doonaysa inay dhibaato u geysato shacabka Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa ugu dambeyntii sheegay in degmada Howlwadaag ay dhawaan jidadka xaafadaheeda mara gelin doonaan ballayaasha ku shaqeeya cad-ceedda, isagoo sheegay inay ku mutaysatay dadaalka badan ee ay sameysay.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: