Galbeedka Magaalada London oo Maanta ka furmay Shir looga hadlayo sidii lagu soo bandhigiyo shidaalka ku jira Soomaaliya.

IMG_2457Waxaa maanta ka furmay magaalada London ee xarunta Britain Shir looga hadlayo shidaal la baarayo Soomaaliya, waxaana shirkaas ka qaybgalay wasiirka khayraadka dalka, C/risaaq Cumar Maxamed iyo mas’uuliyiin ka socda shirkadaha shidaalka baara iyo shirkad laga leeyahay dalka Britain oo Soomaaliya ka baaraysa shidaalka, wuxuuna shirkan socon doono saddex casho.

Qodobbada shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah shidaalka Somalia laga heli karo, iyadoo wasiirka khayraadka Soomaaliya uu sheegay inay ka jirto Soomaaliya fursad weyn oo shidaal looga saari karo.

Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda ka jirto nabad la isku haleyn karo loogana baari karo shidaal, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in laga soo saari karo shidaalka, taasoo uu sheegay inay fursad weyn u tahay dib u soo kabashada Soomaaliya oo 22-sano ku jiray burbur iyo dhaqaale la’aan.

Shirkan ayaa Ujeeddada lagu sheegay sidii loogu soo bandhig lahaa shirkadaha shidaalka qoda shidaalka laga heli karo Soomaaliya iyagoo laga baari doono shidaalka badda iyo barriga Soomaaliya.

Sida lagu soo warramay Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirro Afrikaan ah, madaxda shirkadaha maal-gashiga caalamka, qorshihiisuna waa sidii shidaalka Soomaaliya loosoo bandhigi lahaa, si shirkadaha shidaalka qoda maal-gaashi ugu sameystaan, sidaas waxaa shaaca ka qaaday wasiirka khayraadka dalka, C/risaaq Cumar Maxamed.

Sida aad ula socotaan Golaha wasiirrada dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore isla meel dhigay in Soomaaliya laga baaro shidaal, ayna shidaalkaas baari doonto shirkad laga leeyahay dalka Britain oo lagu magacaabo Soma Oil & Gas, taasoo heshiis lagu baarayo shidaalka la saxiixay dowladda Soomaaliya.

Madaxa shirkadda Soma Oil & Gas, Robert Sheppard ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in Soomaaliya laga helo karo shidaal iyo gaas fara badan, wuxuuna sheegay inay baaritaanka ka sameyn doonaan goobaha ay ka taliso dowladda federaalka.

Si kasta ha ahaatee howshan lagu baarayo shidaalka Soomaaliya ayaa waxay noqon doontaa fursad weyn oo qayb ka qaadata dib u soo kabashada Soomaaliya oo ay ka jireen colaado sannado fara badan.

SomaliSwiss    London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: