Advertisements

Baarlamaanka Soomaaliya dib u celiyay hindise sharciyeed ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Barlamaanka Cusub.jpg2Fadhigii ay maanta yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa dib loogu soo celiyay hidise sharciyeed ku saabsan horumarinta bangiga dhexe ee Soomaaliya oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa waxay dood dheer ka yeesheen hindisaha horumarinta bangiga dhexe ee Soomaaliya, waxaana  go’aan lagu gaaray in hindisaha dib loogu celiyo wasaaradda maaliyadda, iyadoo xildhibaannadu ay sheegeen inay ahayd in hidisaha uu baarlamaanka ka horjeediyo wasiirka maaliyadda, inta ay taasi dhacaysana aysan ka doodi doonin.

Guddoomiye ku xigeenka guddi hoosaadka baaramaanka Somalia ee dhaqaalaha iyo maaliyadda, Maxamed Iidle Geeddi oo warbaahinta la hadlayey wuxuu yiri:“Hindisahan waxaa soo gudbisay wasaaradda maaliyadda, dib ayaana loogu celiyay, waayo waxay ahayd inuu wasiirku u sharraxo habka hidishaha loo soo diyaariyay, mana dhicin, waana taas sababta aan dib ugu celinnay”.

Sidoo kale Mudane Maxamed Iidle Geeddi ayaa sheegay inaanay macluumaad ka haysan sida loosoo diyaariyay hindisaha ayna tahay in wasiirku uu horyimaado xubnaha baarlamaanka si uu sharraxaad uga siiyo.

Kulankii maanta ee baarlamaanka ayaa waxaa shir-guddoominayay Jeylaani Nuur Iikar oo ah ku xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka, isagoo ka sheegay fadhiga in wasiirka maaliyadda uu horyimaado baarlamaanka si uu sharraxaad uga bixiyo hindisahan.

Sida la sheegay baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla mooshin ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah mudanayaasha oo lagu dalbanayo in sharci-hoosaadka baarlamaanka lagu daro in wasiirrada xukuumadda ee lasoo magacaabo ay mid-mid u weydiisataan kalsoonida baarlamaanka Somalia, iyadoo dhowr jeer laga dooday, iyadoo aan weli go’aan laga gaarin.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: