Ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis.

https://i1.wp.com/www.subulahanews.com/wp-content/uploads/2013/10/m.jpgMudane Maxamed Saalax Anaadiif oo ah Ergyga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka socda AMISOM ayaa kulan kula yeeshay magaalada Minneapolis jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ku nool.

Anaadiif ayaa ku sugnaa maalmahan magaalada Minneapolis, iyadoo kulanka uu qayb ka yahay kulammo uu la yeelanayay Soomaalida qurbaha ku nool, isagoo bishii May ee sannadkan kulan la yeeshay Soomaalida ku nool dalka Britain.

Ujeeddada shirkan waa sidii aan fikarado uga         qaadan lahayn Soomaalida ku nool qurbaha, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha,” ayuu yiir Anaadiif oo intaas ku daray in tani qayb weyn ka tahay wadatashiyada aan la yeelanayno Soomaalida dibadaha ku nool.

Maalintii Sabtida ahayd ayuuu ergaygu la wuxuu kulan quraac ah la yeeshay imaamyada masaajidda magaalada Minneapolis, isagoo sharraxaad ka siiyay howlaha ay qabato AMISOM, wuxuuna sidoo kale warbixin ka dhageysatay imaamyada.

Hiiraan Online oo weydiisatay ergayga waxyaabihii uu kala hadlay culumadii uu la kulmay ayaa wuxuu sheegay inuu sharraxaad ka siiyay howlaha ay ka hayso AMISOM gudaha Soomaaliya, iyaguna ay ka heleen warbixinno kala duwan.

Xubnihii aan la kulmay waxay ii sheegeen inay si wanaagsan dadka diinta ugu sharraxi doonaan si ay u ogaadaan inaysan wax wanaagsan ahayn waxa ay Al-shabaab waddo,” ayuu yiri dajire Anaadiif oo sheegay in taasi ay tahay mid aad u wanaagsan.

Sidoo kale, danjire Maxamed Saalax wuxuu xusay in imaamyadii uu kulanka ka qaatay ay u sheegeen inay kasoo horjeedaan qaabka Al-shabaab ay u adeegsanayso diinta islaamka, isagoo fikirkaas ku tilmaamay mid si weyn uu u soo dhaweynayo.

Dhanka kale, danjiraha iyo wafdigiisa ayaa waxay la kulmeen xalay oo ay soo galaysay Axad jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis, iyadoo halkaas lagu soo bandhigay filim ka hadlayay waxqabadka AMISOM, iyadoo madaxdii ka socotay AMISOM ay halkaas kasoo jeediyeen warbixinno kala duwan.

Imaam masaajidka Dawa, Xasan Jaamici oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa AMISOM ka dalbay inay ku daraan howlgalladooda dhowr qodob oo ay ka mid yihiin inay si aad ah u ixtiraamaan dhaqanka Soomaalida, in la guddi ka madax-bannaan AMISOM la magacaabo, kaasoo baaritaanno ku sameeya xad-gudubyada ay ciidamada AMISOM ku kacaan.

Qodobbada kale ee Imaam Jaamici uu soo jeediyay ayaa waxaa ka mid ahaa in dowladda Somalia iyo AMISOM uu dhex-maro is-faham wanaagsan si ay howlaha ay wadaan ay ugu guuleysataan.

Ugu dambeyn, wadaadkan wuxuu sheegay in dhibaatooyinka ay Al-shabaab ka geysanayaan gudaha dalka Soomaaliya aysan wax raad ah ku lahayn diinta Islaamka, isagoo sheegay in Al-shabaab ay diinta islaamka si aan sax ahayn u fasiraan.

Shirkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay, Saadaq Warfaa, waxaana hadallo ka jeediyay kulanka culummada iyo AMISOM: Sheekh Cabdirashiid Caabbi imaamka masjidka, Abuubakar Sadiiq, Prof. Jabriil Maxamed, jaamacadda Ohio State University, dhanka dowladda Soomaaliya waxaa halkaas kaga hadlay, Col. Cali Ameer iyo Mr. James Gadin oo ciidamada AMISOM u qaabilsan dhinaca siyaasadda.

SomaliSwiss   Minneapolis

SomaliSwiss@hotmail.com

https://i1.wp.com/www.subulahanews.com/wp-content/uploads/2013/10/m.jpg

%d bloggers like this: