Xoghayaha urur Goboleedka IGAD oo kulamo kula yeeshay Magaalada Minneapolis Qurbo-joogta Soomaalida, Kenya iyo Jabuuti.

maxbuubDanjire Maxbuub Macllim oo ah Xoghayaha Guddiga fulinta ee urur goboleedka ayaa caawa kulan ballaran la qaatay jaaliyadaha dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti waxaana kulankaas ka dhacay  Hotelka Ramaada ee Magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Mudane Maxbuub Kulankan oo iskugu jiray soo dhaweyn iyo kala warqaadasho waxaa khubad dheer ka jeediyay Xoghaye Injineer Maxabuub, wuxuuna ku dheeraaday xaaladda dalka Soomaaliya.

Danjire Maxabuub oo ka hadlayey arrimaha Soomaaliya wuxuu Yiri: “Dalka Soomaaliya waa dal xor ah, wuxuuna xubin ka yahay waddamadii iska lahaa fikirkii lagu dhisay IGAD sanadkii 1986, dalalka deriska ah waa caawiyaan Soomaaliya ee ma jirto dhibaato ay ugeysteen ama ay hada ku hayaan”

maxbuub.jpg1

Xoghayaha Guddiga fulinta ee urur goboleedka IGAD wuxuu sheegay in xalka ummadda Soomaaliyeed uu ku jiro gacnahooda, iyaga ayaa laga rabaa inay heshiyaan oo isku afgartaan xalinta khilaafaadkooda, inagu waxaan ku caawinay shirar iyo kulamo badan oo uu ugu dambeeyay shirkii Addis Ababa oo ay ku heshiiyeen maamulka Jubba iyo dowladda Federalka iyo shirarkii Carta, Eldret iyo Mbagathi  oo la dhici karo waxay ahaayeen siminaaradii ugu dheeraa ee caalamka.

Balse waxaan garan la’ahay dadka Soomaaliyeed maxay ugu heshiin la’yihiin danta guud ee dalka iyo dadka, sidoo kale magaalada Addisa Ababa waxaan ku aragnay rag saaxiibo ah, oo iskuwaxbarasho ahaa, shirkado ganacsi ah ku wada jiray,  xidid ah, isla soo shaqeeyay, hadana aan isku fahmi karin danta guud iyo dowladnimada, waa arrin cajaa’ib ah” ayuu ku fajacay Danjire Maxbuub.

Mudane Maxbuub oo si qiiro iyo Soomaalinimo ku jirto ula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay inay dalkooda ku laabtaan iska  markaana caawiyaan dowladda, maalgashi iyo dib u dhisna ka billaaba dhulkooda,  isla markaana si-iskaa wax ugu qabso ah ay ugu shaqeeyaan dowladda iyo hey’adaha kale ee madax bannaan ee horumarinta iyo gar’gaarka bini’aadamnimada, maadaama ay aqoon iyo cilmi dheeraad ah qurbaha la joogaan.

maxbuub.jpg2

Danjire Maxbuub ayaa dhinac kale sheegay inay muhiim tahay wada shaqeyn dhex marta dowladda iyo maamullada gobolka gaar ahaan Somaliland iyo Putland “Ma dhici karto inay jiraan dhowr dowladood iyo dhowr madaxweyne, waxaa muhiim ah in wada shaqeyn guud ay dhacdo, gaar ahaan waa in la sii wadaa wada hadalada Somaliland, waayo waa dad Soomaaliyeed oo ay muhiim tahay in la soo celiyo”

Wuxuu sheegay dowladaha geeska IGAD ay taageero buuxda oo dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda ay siinayaan dowladda Soomaaliya.

Jaaliyadaha geeska Africa ayaa soo dhaweyay warbixinta Ambassador Maxbuub waxayba ku booriyeen in la sii dar-dargaliyo howlaha nabadeynta Soomaaliya iyo is dhexgalka dadyowga geeska.

Kulankaas waxaa ka hadlay culimada, cuqaasha, aqoonyanaha, haweenka iyo dhallinyarada gobolka Minnesota , waxaana ka mid ahaa dadkii ka hadlay Sheekh Xasan Jaamici oo ka mid ah culimada gobolka, Sadiiq Warfaa oo ah siyaasi gobolka iyo geeskaba ka tirsan,  Ibraahim Baraaki oo u hadlay Jaaliyadd Kenya, C/raxmaan Ciise Kaahin oo madax ka ah jaaliyadda Jabuuti, Canab Cali oo ah gabar aqoonyahanad ah, Aadan Amiin Cawad oo Odayaasha u hadlay, Axmed Xirsi oo ka tirsan dhallinyarada Ka-joog iyo Xuseen Xaashi oo ka mid ahaa qaban=qaabiyaashii shirka.

SomaliSwiss     Minneapolis

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: