Madaxweynaha dalka Kenya oo shaaciyey in Ciidamadiisa iyo kuwa Soomaaliya ay Wiiqi doonaan Awooda Xarakada Al-Shabaab.

Uhuru Kenyatta 3Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in Ciidammada dalkiisu ka bixi doonin Soomaaliya ilaa iyo inta Ciidamadiisa iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka wiiqi doonaan awooda kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab.

Kulan loogu baroordiiqayay dadkii lagu xasuuqay weerarkii Westgate, ayuu ka sheegay hadalkan Madaxweynaha Kenya, waxaana  kulankaas kasoo qeybgalay culimada diimaha kala duwan ee dalka Kenya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa tilmaamay in ciidamadkiisu ku sii sugnaan doonan gudaha Soomaaliya tan iyo inta ay ka gaarayaan ujeedada ay markii horeba u galeen oo ah xasilinta ammaanka, wuxuuna Madaxweynuhu uu xusay inaaney jirin sabab xiligan ay ciidamadooda ugala soo baxaan Soomaaliya ayna taa bedelkeeda sii labo jibaarayaan howlaha ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Uhuru wuxuu ku celceliyay in dowlada Kenya aysan waxba u dhimi doonin weerarkii bahalnimada ahaa ee Westgate islamarkaana ay dhiirigelin ka sii qaadidinaan.

Wuxuu Madaxweynaha soo hadalqaaday xaalada Soomaalida Qaxootiga ku ah Kenya,  wuxuuna hoosta ka xariiqay in dowladiisa ay megendgelyo siisay kumanaan kun oo qaxooti Soomaali ah oo dalkooda dhibaato uga soo cararay,  isagoo ku booriyay Soomaalida in abaalkaasi ay ku eegaan il gooni ah.

Si kasta ha ahaatee Tan yo wixii ka dambeeyay markii ciidamada Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya ayaa argagixisada Shabaab waxa ay xoojisay weerarada qorsheysan oo ay ka geysaneyso gudaha dalka Kenya, iyagoo ku hanjabay iney sii wadi doonaan weeraradaasi.

SomaliSwiss        Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: