Degmada Mahadaay ee Gobolka Sh. Dhexe oo uu xalay dagaal culus ku dhexmaray ciidamada Soomaaliya & Al-shabaab.

Ciidamada AmisomCiidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay Dagaal culus ku dhexmaray degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe, dagaalkaas oo ka dhashay khasaare kala duwan.

Sida la sheegay waxaa dagaalkaas ku dhintay Afar ruux oo dhinacyadii dagaalamayey ka tirsan, waxaana ugu dambeyntii xoogaggii Al-shabaab oo weerarka ku qaaday degmadaas ay isaga baxeen, halka ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Dagaalkan oo dhacay gellinkii dambe ee xalay ayaa wuxuu ahaa mid culus iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in xoogagga Al-shabaab oo weerarka ku qaaday degmada ay gudaha u soo galeen degmadaas, iyadoo dagaalku uu soo gaaray aroornimadii hore ee saakay.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin dagaalkii xalay ka dhacay degmada Mahadaay oo bishii hore ay kala wareegay Al-shabaab kaddib saddex sano oo kooxdan ay ka talinaysay degmadaas.

Balse goobjoogayaal ku sugan degmada Mahadaay ayaa waxay sheegeen in dagaalkii xalay uu ahaa kii ugu cuslaa oo muddo sannado ah ka dhaca degmada oo dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Mahadaay ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe.

Dhanka kale Xarakada Al-shabaab ayaa si kooban uga hadashay dagaalka waxayna sheegtay in uu dagaalkaas ahaa mid ay iyagu ku qaadeen degmadaas oo ay sheegeen inay ku sugan yihiin cadow, waxayna xuseen inay ku dileen gudaha degmadaas ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya

SomaliSwiss        Jowhar

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: