Wasiirka Warfaafinta oo ku guuleysatay soo celinta hawada Soomaaliyeed iyo dakhiligeedaba.

W. warfaafintaWasiirka Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo safar shaqo ku jooga dalka Canada, magaalada Montreal ayaa dadaal badan iyo shirar badan kadib ku guuleystay in si kama dambeys ah loo soo wareejiyo hawada Soomaaliyeed maamulkeeda iyo dhamaan waxii dakhli ah ee laga hayana lagu soo wareejiyo dawladda Federaalka Soomaaliyeed.

Mudane Ciilmooge ayaa wuxuu ka qaybgalay shir ay hay’adda Qaramada midoobey u qaabilsan duulista iyo Saadaasha caalamka loona yaqaano ICAO(International Civil Aviation Organisatio) oo saddexdii sanaba mar dhaca ayaa waxuu kulamo gaargaar ah la yeeshay madaxda ugu sareysa ururka ICAO waxaana uu heshiis kama dambeys ah kala gaaray madaxdaas in dawladda Soomaaliyeed ee rasmiga ah lagu soo wareejiyo maamulka hawadeeda iyo waxii dakhli ah ee laga aruuriyay muddadii dalku burbursanaa. Waa markii ugu horeysey ee shirkan ICAO ay dawladda Soomaaliyeed ka qaybgasho muddo 23 sano ah.

Sida la sheega Wadahadalkan wasiirka iyo ururka ICAO oo ahaa  dhameystirka heshiisyadan ayaa waxay daba-socdeen shir bishii May 2013 uu wasiirku kula saxiixday hay’adda ICAO in bisha January ee sanadka 2014 lagu soo wareejiyo maamulka hawada Soomaaliyeed. Xoghayaha Guud ee hay’adda ICAO General Benjamin Raymond iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo labada dhinac kala matalayay ayaa waxay ku heshiiyeen arimo la xariira lasoo wareegidda maamulka hawada, dakhliga, waxii qalab ah iyo in si dhakhso ah kor loogu qaado tababarka iyo xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed.

Dhanka ale Hay’adda SCAMA ee u qaabilsan dawladda Soomaaliya dhanka Duulista Rayidka iyo Saadaasha hawada ayaa noqon doonta hay’adaha ugu dakhliga badan dawladda marka la soo wareejiyo maamulka hawada Soomaaliyeed.

SomaliSwiss      Ottowa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: