Advertisements

Wasiiradda Arrimaha Dibadda Somalia iyo Wafdi ay horkacaysay oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Ottowa.

W. DibaddaWasiiradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ahna Ra’iisul-wasaare ku xigeenka, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Ottawa ee dalka Canada shalay oo ahayd 30-kii  bishii September ee aynu soo dhaafnay.

W. Dibadda.jpg1Wafdiga wasiiradda ayaa waxaa ku wehliyey Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Yussur Abraar iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya,

Booqashada wasiiraddu ay ku joogi doonta dalka Canada ayaa waxay qaadanysaa saddex maalmood, iyadoo lagu wado inay maanta oo Talaado ah ay kulan la qaadato wasiirka arrimaha dibadda Canada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Toronto iyo Ottawa.

Marwo Fowziyo ayaa waxay noqonaysaa mas’uulkii ugu darrajada sarreeyay oo ka socda dowladda Soomaaliya oo gaara dalka Canada tan iyo markii uu dalku ka baxay xilligii KMG ahaa sannadkii hore.

Sida la wada ogsoon yahay Wasiiradda ayaa waxay ka mid ahayd wafdigii uu horkacayay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ee toddobaadyadii lasoo dhaafay ku marayya booqashooyin dalal ku yaalla Yurub iyo Mareykanka.

SomaliSwiss      Ottowa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: