Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo Howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay dad looga shakiyay Al-Shabaab.

BaarisDad gaaraya toban ruux oo u badan dhallinyaro ayaa xalay laga qabqabtay xaafado ka tirsan W/Muqdisho, kaddib markii ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay xaafadahaasi ka sameeyeen howlgallo ballaaran.

Sidoo kale dhallinyarada la soo qabqabtay ayaa ahaa kuwo looga shakiyay inay ku lug yeesheen falalka amni darro darro ka wada Muqdisho.

Afhayeen u hadlay ciidamada Booliska Dowladda Federaalka ayaa sheegay in dhallinyarada ay soo qabqabteen ay yihiin kuwo xiriir la leh ururka Al-Shabaab, isla markaana ay baarayaan kiisaskooda, kuwooda dembi lagu waayana la sii deynayo.

Dhanka kale ma aha markii ugu horeysay oo ciidamada Dowladda ay ka fuliyaan howlgallo dad lagu soo qabqabtay magaalada Muqdisho, haddana xilliyada qaarkood waxaa ka dhacaya falal kala duwan oo isugu jira dilalka qorsheysan, qaraxyo, is miidaamin iyo weeraro toos ah.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: